Uncategorized

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Xafiiskiisa kula Qaatay Gudida Wanaag farista kana wada hadlay Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Hargaysa 04.July (SDN) Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil cabdillahi Axmed,Ayaa  xafiiskiisa  kulan kula yeeshay  Gudoomiyaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Sh/Maxamed Maxamuud Xirsi oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gudiga wanaagfarista Gobolka  Hawd C/risaaq Maxamed Yuusuf iyo Culimo kale oo ka tirsan  Guddiga  Gobolka Maroodi jeex.

Wasiirka iyo Culimada wanaagfarista iyo Xumaan reebistu Waxa ay kulan-koodaas kaga wada hadleen sidii  loogu diyaar garoobi lahaa  ku wacyi gelinta dadweynaha  Bisha Ramadaan  ee inagu soo fool leh iyo sidii  ay dadku  uga fogaan lahaayeen wax-yaalaha  aan banaanayn bishaasi  ee dadka qaarkood   ku kacaan, iyo sidii bulshada  loogu baraarujin lahaa  sidii  laysaga kaashan lahaa   xal u helidda aafada Tahriibta oo culima ahaan dadweynaha  looga wacyi-gelin lahaa .

Kulan-kaasi Ka dib  Waxa Gudoomiyaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista  Sh.Maxamed Maxamuud Xirsi  iyo Culimada wehelisay ay  socdaal wacyi-gelin ah  ku tageen  Magaalada Wajaale, halkaasi oo inta ay joogaan ay ku qaban doonaan Baraarujin iyo wacyi-gelin    ku Wajahan   Aafada Tahriibka, dhaqamada  aan ku haboonayn anshaxa   Diinta islaamka iyo sidii ay dadweynuhu ugu diyaar garoobi lahaayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaanka  ee kaabiga inagu soo haysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com