Qaahira 04.July (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Masar Cadli Maxamuud Mansuur ayaa maanta loo dhaariyey Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Masar, Kaasi oo lagu dhaariyey xarunta maxkamada sare ee dalkaasi ee magaalada Qaahira.
Munaasibadda dhaarta oo ay ka soo qayb galeen sheekh As-har Axmed Ad-diib,baaderiga kaniisadda Qib-diyiinta, Wakiilo ka kala socday Xarakada dhalinyarada ee Atamarud iyo Axsaabta qaarkood, waxa uu Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee xil loo dhaariyey uu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii dalka looga qaban lahaa Doorashooyin ku dhisan rabitaanka shacabka, soona dhisi doono xukuumad kooban.
Waxa kale oo Caadil Mansuur loo dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare, kaasi oo hore aan loogu dhaarin Rashadaha dalka ka socda oo ku soo beegmay wax yar ka dib markii la magacaabay oo ahayd horaantii bishan aynu ku jiro.
Munaasibadda dhaarinta Madaxweynaha ku meel gaadhka ah waxaan iman Wasiirka Gaashaandhiga C/fataax Al-siisi, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka xarunta maxkamada sare ee dhaarintu ka dhacaysay.
Geesta kale Warbaahinta Masar ayaa si Xoogan u Qaadaa dhigaysa Duruufaha uu Madaxweynahan ku Meel gaadhka ahi Maamulkiisa laga rabo inay ka saaraan Wadanka Masar iyadoo Qodobka Ugu Culus ee la rabo inuu Xal ka gaadho ay Tahay Biyo Xidheenka ay Itoobiya ka samaysatay Biyaha Niilka Buluuga ah ee Saamiga ugu badan ay Masar Isticimaasho taas oo ay Warbaahintu ku sheegtay in sida uu u Maareeyo uu ku Xidhan yahay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed,Arrimaha kale ee Warbaahintu Masaaridu ka faaloonayso waxaa ka mid ah in Madaxweyne Cadli Maxamud Mansuuri ay hortaalo wax ka qabashada Shaqo la’aan Xoogan oo ka taagan Wadankaasi.
Madaxweynihii hore Maxamed Morsi ayaa la sheegayaa in haatan lagu hayo xero ciidanku leeyihiin, Dibadbaxyada lagu dalbananay inuu xilka ka dago Morsi ayaa bilowday Axaddii, waxayna militaragu Isniintii u qabteen Morsi iyo mucaaradka wakhti kama danbeys ah oo 48 saacadood ah oo xal ay ku gaareen, balse dalalbkaasi militariga ayaa Morsi uu ka hor-yimid, taasoo ugu danbeytii dhalisay in shalay ay militarigu xukunka ka tuuraan.
Ururrada Islaamiyiinta ee taageerra Morsi ayaa diiday afganbiga Morsi, waxayna wacad ku mareen inaysan dhiigooda u horudoonaan difaacidda Morsi.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga welwelsan yahay go’aanka ciidanka Masaaridu uu xilka kaga qaaday Morsi, isla markaana uu dastuurkii dalka ku hakiyey.
Rabshado ka dhashay dibadbaxyada oo dhexmaray mucaaradka iyo taageerayaasha Morsi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof.
Qaahira SDN.
Qurbejoog.com
