Uncategorized

Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor oo Hakiyay Wada hadaladii ay la lahaayeen Xukuumada iyo Xisbigeeda,Qaadacayna Wasiirada laga Magacaabay {DHAGAYSO}

Hargaysa 05.July (SDN)  Madaxda Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor ee Ku hadhay Marxaladii doorashadii deegaanka oo Mudooyinkii u danbeeyay Wada hadal kula Jiray Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa daboolka ka qaaday inay Hakiyeen Wada hadaladii laba geesoodka ahaa ee u socday.

Hogaanka Xaqsoor waxay cadeeyeen in Xukuumadu ay ka baxday balamihii ay wada galeen isla markaana ay Laba Xubnood oo Xaqsoor ka Tirsan ka fadhataysteen iyadoon wax la tashi ah kala samayn ay u magacawday Wasiir iyo Wasiirul dawle .

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Maxamed Cali Madoobe iyo Eng Kayse oo ka mid ah Hogaanka Sare ee Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor  oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa la Socodsiiyay labada Xubnood ee Xilalka Wasiirnimo Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay inaanay Metelin kuna hadli Karin afka Urur Siyaasadeedka Xaqsoor
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JawaabtaXaq.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com