Hargeysa July 05,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa xushay wefdi ka kooban golleyasha kala duwan ee dalka oo ka qeybgeli doona wadahadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga ka dhici doona dhawaan.
Wefdigan ayaa kii hore uga duwan siyaabo dhawr ah oo ay ka mid thay in Madaxda Axsaabtu ka qeybgeli doonin wadahadalada doorka iyo in Madaxweynuhu ka mid noqon dooninguddida hore ee Turkiga u dhoofi doonta.
Xukuumada ayaa sida ay ilawareedyo noo sheegeen waxa ay isku dubo riday gudi ka kooban Xukuumada iyo labada Golle Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida.
Guddida ayaa ka kooban Wasiiradda Ganacsiga Maxamed C/laahi Cumar, Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad, halka Baarlamaankana ay ka tagi doonaan Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibeda Golaha Wakiiladda Xuseen Maxamed Cigeiyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac.
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa haatan ka soo saarin wax war oo arinkan ku saabsan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
