Uncategorized

Xukuumada Jabuuti oo Wadahadalada Mucaaridka ay la Galeyso u Xushay guddi isku Dhaf ah iyo Mucaaridka oo hab beeleed isu abaabulaya

Jabuuti July 05,2013(SDN)-Xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti ayaa wadahadalada ay la geleyso Dalada Mucaaridka USN u xushay gudi isku dhaf ah oo ay kawada muuqdaan dhamaan qeybaha bulshada dalkaasi ku wada nool.

Halka Dalaa Mucaaridka Jabuuti aaney weli shaacin guddida uga qeybgaleysa wadahadalada,iyada oo la sheegay in ay mucaaridku doonayo in gudida lagu koobo uun Beelaha heysta kuraasida Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle ayaa Guddida wadahadalada ku meteleysa Xukuumada u soo xulay Cali Cabdi,Camuud Axmed Ibrahim,Dileta ougouref,Barak.

Mucaaridka Jabuuti ayaa dhankooda doonayay in ay madaxweynaha oo qura hor fariistaan kulana xaajoodaan hab reereed.

Madaxweynaha Jabuuti ayaase taageero badan ku kasbaday ku gacan seyrka soo jeedintaa mucaaridkana u sheegay in Jabuuti umado badan ay wadaagaan.

Si kastab ha ahaatee waxaan weli cadeyn qodobada labada dhan ay ka wada xaajoon doonaan kulanada haatan bilowday.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com