Pretoria July 05,2013(SDN)-Wefdi xaqiiqo raadin ah oo dawlada Soomaaliya ay u dirtay dalka Koonfur Africa ayaa la kulmay Soomaalida dalkaa ku nool iyo xubno ka mid ah gollaha wasiirada dalkaasi.
Wasiir ku-xigeenka wasaarada Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Jamaal Baroow iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee Soomaalida ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka Soomaalida lagu bartilmaansaday.
Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Konfur Africa Ebrahim Ebrahim.
“Amakaag ayay nagu noqotaya fal danbiyeedyadii Soomaalida lagula kacay,khaasatan Soomaalida oo gacan na siiyay xiligii noogu xumeyd ee aanu Midab takoorka la dagaalameynay”ayuu yiri Ebrahim Ebrahim oo saxaafada la hadlay kulanka wefdiga dawlada Soomaaliya dabadeed.
Wasiir Baroow ayaa sidoo kale la kulmaya wasiirka amniga Konfur Africa Naledi Pandor iyo taliyaha ciidamada Booliska.
Waxaanu Wasiir ku-xikeenka wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya madaxda Konfur Africa kala hadlay sidii loo fududeyn lahaa Dib u soo celinta Soomaalida dooneyda in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan.
Konfur Africa ayaa sanadihii u danbeeyay waxa tegayay Soomaali nolol doon ah oo bartilmaameed u noqday burcad soo galootiga booba isla markaana laaya.
SDN-Pretoria
contact@somalidiasporanews.com
