London July 09,2012(SDN)-Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa warbixin ka diyaariyay sida uu qaadka ama Jaadka lagu geeyo wadanka Ingiriiska oo looga qaado dalka Kenya oo uu ka baxo, bishan 7 July 20013.
Dawlada Ingiriiska dhawaan waxay dalkeeda ka mamnuucday in qaad ama jaad la galiyo oo lagu dhex ganacsado kadib markii ay u aqoonsatay inuu maandooriye yahay.
Sanado badan ayaa Ingiriiska si joogto loo geynayay Qaad fara badan oo laga qaaday wadanka Kenya taasoo ay dad badan oo la sheegay inay u badan yihiin Soomaalida England degen inay cunaan.
Dad badan ayaa isku hawla maalin walba guriska caleemaha jaadka waxaana marka ay habeenaan ku duubaan caleemaha bal balaaran ee mooska kadibna waxay ku sii ridaan kortoomo laga taxadaray waxaana meelaha lagu diyaaro ka mid ah xaafadda Soomaalidu ay badan tahay ee Islii ee Nairobi sida ay warbixintu qortay.
In ka badan 2,500 oo kartoon ayaa lagu qiyaasaa in la geeyo wadanka Ingiriiska 4 jeer todobaadkii ka hor inta aysan dawladu amar kasoo saarin.
Afartii cisho ee kasta Ingiriiska waxaa loo dhoofiyaa kumanaan sanduuq oo Jaad ku jiro dadka ugu badan ee loo dirana waa ganacsato Soomaali ah.
Horey waxaa qaadka looga mamnuucay dhawr wadan oo Maraykanka iyo wadamo reer Yurub ah ku jiraan haddase dawlada Britain ayaa ku biirtay oo dalkeeda u diiday sida ay dhawaan xaqiijiysay Theresa May oo ah xog’hayaha arrimaha gudaha ingiriiska.
Theresa May waxaa ay shaacisay inay qaadka u aqoonsadeen inuu maandooriye yahay waliba uu ku jiro heerka Sadexaad ee ‘C’ la yiraahdo.
Booliska Ingiriisku hadda kadib qaadka waxay u raadin doonaan oo ay ula dagaalami doonaan sida argagixisada oo kale sida laga soo xigtay waaxda arrimaha gudaha Ingiriiska.
Qaadka ayaa maalin walba la geeya suuqyada Islii kadib marka laga raro beeraha uu ka baxo ee magaalada Meru la yiraahdo oo qiyaastii 140 mile u jirta magaalada Nairobi halkaas oo lagu sii kala shaandheeyo kadibna dhawr wadan loo kala diro waana ganacsi lacag badan laga tabci karo.
Xaafaddaan dadka Kenyanka ah waxay u yaqaanaan Muqdishada yar waxaana aad ugu badan dadka Soomaalida ah ee jaadka cuna ama qayila haddii si kale loo yiraahdo.
Qof degaanka ah oo Kenyan ah oo la hadlay wargeyska sheekadaan wax ka qoray ee Daily Mail ayaa yiri
“Annigu halkaan ma dagani magaalada banaankeeda ayaan daganahay waxaan halkaan u imaadaan inaan qayilo oo aan dadka tuso in qofka Kenya u dhashay uusan xumayn oo uu yahay qof wanaagsan oo Soomaalida wax la wadaagaya”
Halkii xirmo ee jaadka nooca wanaagsan ah Ingiriiska waxaa la iibiyaa £27 oo ah lacagta Ingiriiska oo u dhiganta 40 $ Maraykanka ah.
Kenya gudaheeda dadka ugu badan ee Qaadka ka ganacsada waa Soomaali hase ahaatee dad Kenyan ah ayaa uga shaqeeya kuwaasoo lacago aan badneyn ku qaata habeyntiisa.
Golaha ka talo bixinta daroogada sida qaldan loo isticmaalo ee Ingiriiska ee magacooda loo soo gaabsho ACMD ayaa sheegay in sanadihii 2011 iyo 2012 dalka England la geeyay 2,500 oo ton oo qaad ah kaasi oo ku kacayay lacag dhan £13.8m waxaana dawlada uga soo baxay £2.8m oo canshuur ah.
Qaadka Kenya ka baxa waxaa sidoo kale loo qaadaa wadamo kale oo ku yaala Africa, Bariga dhexe iyo wadamo kale oo Carbeed oo aad looga cuno.
Waxa idin turjumay
Adan Jama Kahin
Gudomiye Kuxigeenka
Ladagaalanka Qaadka,UK
Ahna Xildhibaan Deegan.
