Hargeysa July 10,2013(SDN)-Wasiirka Cusub ee wasaarada warfaafinta Somaliland Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa khdbadiisii u horeysay ee uu jeediyay ayuu waxa uu ku weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Wasiirka Cusub ee Warfaafinta ayaa sheegay in aaney saxaafudu aheyn in ay faafiyaan dhaliilihii Faysal Cali waraabe u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiir Xirsi.
Sidoo kale waxa uu ku sifeeyay Guddoomiyaha UCID “xaasid”uurka ku haya wasiirka madaxtooyada oo Cukuse uu sheega in leeyahay mustaqbal ka weyn xilka uu haatan hayo.
Wasiirka cusub ee Warfaafinta ayaa hore u ahaa afhayeenka madaxtooyada iyo wasiir ku xigeenka wafaafinta.
Wasiir Cukuse waxa uu khudbadiisii u horeysay ku muujiyay cida dalacsiisay iyo ujjeedada ay ka leheyd dalacsiintiisa.
Somaliland ayaa waxa dhaqan siyaasadeed ka ah in ashkhaasta xilal loogu taxo si ay ugu dhilaan siyaasiyiinta beeshooda ee xukuumada kolba ka soo horjeeda.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
