Muqdisho July 10,2013(SDN)-Dawlada Soomaaliya ayaa ciddamadeed qaar ka mid ah maanta magaalada Muqdisho ugu qeybisay lacago mushahro ah.
Ciidamada maanta loo qebiyay mushaharooyinka ayaa ahaa qaar dhawaan tababr ugu soo xirmay caasimada Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiim Fiqi oo goobjoog ku ahaa madashii mushaharooyinka lagu qeybinayay ayaa sheegay in hada la hirgeliyay nidaam casri ah oo lagu keydinayo macluumaadka Ciidamada Qaranka.
Wasiirku waxa uu sheegay in nidaamkan casriga ahi uu fududeyn doono in ciidamadu si joogta ah ay xaqooda u helaan.
Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa mushaharooyin aan joogto aheyn hela,halka kuwa Africa ka jooga dalkana ay helaan mushaharooyin joogta ah oo ka Askariga Soomaaliga ahi ku riyoon kareyn.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
