Uncategorized

Maareeye ku Xigeenka Wakaalada Korontada Hargaysa oo faah faahin ka bixiyay Talaabooyin ay qaadeen

Hargaysa 10.July (SDN)   Maareeye  ku xigeenka  haya’da korontada  ee magaalada   Hargeysa   ayaa sheegay in adeega ay aa sheegay in ay ku guda jiraan dadaal  ay kor ugu qaadayaan  adeega ay bulshada u hayaan.

Mareeye  ku xigeenka  hay’ada korantada  Magalada  Hargeysa  md  C/llaahi Yuusuf  Cilmi ayaa  faahfaahin ka  bixiyey adeega      baladhaan  ee ay  hay’adu   bulshada u hayso  waxaana uu sheegay  in  mudaadii koobanday ee ay  xilka hayeen ay  dib u habayn ku sameeyeen   mishiino  cildaysanaa  oo ay wali qaar  gacanta  ku hayaan .

Mareeye ku xigeenku waxa uu intaa ku diray    inay  talaabo  ka qadeen dad si sharci daro ah uga faaiidaysan jiray adeega laydhka ee hay’da korantada  magaalada hargays kuwaasoo uu tilmaamay in ay siyaabo kala duwan u isticmaali jireen laydhka waxaana uu sheegay in  talaabo sharci ah laga qaaday, isaga oo uga digay  bulshada in si aan sharci ahayn ay ugu tagrifalaan adeega ay hay’dani bixiso.

Maareeye xigeenku waxa uu sheegay in  macaamiishii Hay’adu ay daynta ku lahayd  in daynataas qayb ka mid ahi ay usoo xarootay, iyada oo qaybata hadhsana ay ku daba jiraan sidii khasnada  ay ugu soo xaroon lahayd. Gudoomiye xigeenka hay’ada korantada ee magaalada hargaysa waxa uu dadweynaha macaamiishooda ah u jeediyay in ay biilasha waqtiga ku haboon iska bixiyaan, si uu hay’ada ugu fududaado adeega ay u hayaan bulshada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com