Uncategorized

”Masuuliyad ayaa naga saaran ardeyda Ka soo baxday Caafimaadka Xoolaha”Wasiir Ku Xigeenka Xoolaha Punt land

Garowe 21.July (SDN) Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha Puntland Cabdiweli Xirsi Nuur ayaa sheegay in Puntland ay masuuliyad ka saarantahay ardayda ka soo baxday caafimaadka xoolaha.

Hadalkan ayuu ka jeediyay wasiirku xili caawa ay xaflad soo dhowayn ah wasaaradiisu ugu qabatay magaalada Garowe 13 arday oo dhowaan ka soo qalinjebiyay dugsiga xanaanada xoolaha ee degmada Shiikh.

Waxa uu sheegay in ay yimaadeen xili looga qabay baahi dad aqoon uleh caafimaadka xoolaha ,isagoona raacshay inay dadaal badan u muujin doonaan sidi ay u tagaeri lahaayeen ardaydan.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay waxqabadka wasaarada xanaanada oo uu tilmaamay inay xarumo ka fureen Puntland halka ay dhinac socdaan talaalka xoolaha ee cudurada kala duwan.

Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ka mida ardayda ka soo baxday dugsiga Shikh ayaa sheegay isna in hadafkoodu ahaa sidii loo markii ay arkeen in baahi loo qabo daryeelka xoolaha oo in badan nolosha Somalidu ku tiirsantahay.

Dhankiisa ayaa Dr.Abshir Siciid Yuusuf oo la taliye ka ah wasaarada xanaanada uu ardayda soo dhoweeyay oo sheegay in wax lagu farxo tahay helitaanka dad aqoon iyo xirfad u leh shaqada ay qabanayaan.

Xoolaha iyo wax soo saarkooda ayaa in badan la sheegaa inuu ku tiirsanyahay dhaqaalaha Somalidu ,waxana Puntland sanad kasta laga dhoofiyaa boqolaal kun xoolo dhanka dalalka Gacanka Carbeed.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com