Hargaysa 21.July (SDN) Waxaa Magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay Buug laga diyaariyey taariikhdii Madaxweynahii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal, Buugaas oo loogu Magac daray Dhaxal-galka Gobanimada, kaasoo uu qoray Maxamed Faarax Qotti.
Munaasabada daah furka buugan oo la baxay dhaxal Galka Gobonimada ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaradda shaqada iyo arimaha bulshada Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad), xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarrlamanka, ,Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somalilannd md. Axmed Yuusuf Yaasiin , murashaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Md,. Jamaal Cali Xuseen , Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Bare ( Garaad) oo ka waramay taarikhdii marxuumka ayaa ku tilmaamay in uu ahaa shaqsiyad lagu yaqaano in aanu runta iyo xaqiiqada ka leexan isla markaana lahaa aragti fog kaas oo tan iyo markii uu siyaasada ku biiray ay ka go,nayd Qaran nimada Somaliland.
Oday Xaaji C/kariim Xuseen Cabdi waraabe oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna marxuum maxaned ibraahim cigaal ku tilmaamay shaqsi balanka Oofiya hantida dadweynahan a aan ku tagri falin, oo Somaliland dhidibada u adkeeyay .
Geesta kalan xaajigu waxa uu xisbiyada mucaaradka ah ee Dalka u jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida dalka kana fogaadaan waxii wax un dhimaya.
Wax kale oo munaasabada daahfurka buuga dhaxalgalka gobonimada oo uu taariikhdii Madaxweyne Cigaal ka qoray Maxamed Faarax Qoti ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Md Boobe Yuusuf Ducaale oo ka waramay taariikhdii siyaasadeed ee marxuum cigaal iyo wax qabadkiisii.
Waxa iyana halkaa kahadlay masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo kasoo qayb galay Daah furka buugaas, halka sidoo kalena uu Qoraaga Buuggu ku faah faahiyay nuxurka buuga oo uu ku tilmaamay khudbadihii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fagaarayaasha ka jeedin jiray.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
