Hargeysa 22-7-2013 (SDN)Inta badan Naafada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa iskugu soo baxay barxadda hore ee wasaaradda Dibudejinta Somaliland.
Dadkan mudaaharadayey oo dhamaantoodba ah curyaamiin saaraan gawaadhida ee naafadu raacdo badhkoodna lagu riixayey kaaryoonayaal, ayaa ku andacoonayey in raashin ah lahaayeen oo dawladda turkigu siisay uu ka hor istaagay wasiirka wasaaradda dibudejinta Somaliland Axmed Cabdi kaahin (casood).
Naafaddan ayaa oo isugu jirey rag iyo Dumar, ayaa iska buuxiyey wajahadda hore ee wasaaraddaas, waxana ay wasiirka ku eedeeyeyeen inuu u diiday raashin dhan saddex boqol oo kiis oo uu madaxweyneku-xigeenka Somaliland warqad ugu soo saxeexay in la siiyo.
Guddoomiyaha Urururka naafada Qaranka somaliland Mukhtaar cismaam maxamed ayaa ugu horrayn ka hadlay dulmiga ay tirsanayaan dadka naafada ahi, waxana hadaladiisii ka mid ahaa, ddoomiyaha Dallada naafada “ waxanu umadda u sheegaynaa in madaxwene-ku-xigeenku noo qoondeeyey 300 qoys in la siiyo raashinkooda dadka naafada ah shaxdaana madaxwene ku xigeenka ayaa sameeyey, balse labadaa bilood ee muddaddaa ka dambaysay waxa dhacday in maalin walba la yidhaahdo wiigga soo socda ayaad qaadaynsaan, waxana uu maanta noo soo gaadhay inuu yidhaahdo 50-kiish oo kaliya qaata, taasina wax la aqbali karo maaha, xukuumaddana waxanu u sheegaynaa inuu wasiirkan dadka jilicsan ku tacadiyaya ka qabtaa.”
Waxa kale oo iyana isla goobta naafadu ku bannaabaxaysa ka hadashay Guddoomiye-ku-xigeenka ururka naafada qaranka marwo Nuura oo sheegtay in saamigii naafaddu gaadhay heer wasiirro u tashadaan, waxana hadaladeedii ka mid ahaa, “ maanta waxa la gaadhay iin saamigii naafada ay wasiirro ku takri falaan oo deeqdoodii la gaadhaan waa markii ugu horaysay ee dadka naafada ah deeqda lagu daro, waana markii ugu horraysay waxoodii la qaato, waxana naloo sheegayey in ilaa shalay baabuur lyagu guranayey si aanay dadka naafada ahi u soo gaadhin, ilaahayna waanu u bandhignay.”
Dadkan naafada ah oo ahaa kuwo aad uu taag darraa, islamarkaana ay diif badani ka muuqatay ayaa la dul keenay ciidanka amaanka oo ku amray inay meesha iskaga tagaan, iyagoo ka diiday ciidanka amaanka inay goobta ka tagaan iyagoon xaqoodii helin.
Arrintan ayaa ceeb ku ah guud ahaan xukuumadda Somaliland gaar ahaanna wasiirka cusub ee wasaaradda dibudejinta oo dhawaan xilka la wareegay, waxana haatan jira dareen ah inay mar labaad soo noqoto fadeexadii ka dhalatay raashinkii la lunsaday ee uu mudada u xidhnaa badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji, arrintaas oo boog madow ku noqotay xukuumadda axmed siilaanyo.
Axmed Cumar Axmed (timo) Somalidiasporanews.com
Hargeysa Office.

