Hargeysa 22-7-2013(SDN)Shirkii jaraa’id ee ay maanta qabteen Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa ahaa mid si aad ah uga duwanaa kuwii hore ee ay Goluhu qaban jireen tan iyo intii sida rasmiga ah loogu dhawaaqay.
Golahan oo ah mid koobsatay siyaasiyiin iyo wax-garad miisaan culus iyo qiimaba ku leh qarankan Somaliland, ayaa maanta sidii hore ka ballaadhnaa, waxana uu madasha keenay cudud hor leh oo aanu hore u lahayn, iyadoo siyaasiyiin cusub oo miisaankooda lihin goobta hadallo kulkul ka yidhaahdeen.
Waxyaabaha mudan in la xuso ee Golahan ku soo kordhay, ayaa ay waxa ugu horreeyey Garabka dhallinyarada iyo Garabka Haweenka oo maanta hormoodkoodii shirkaa jaraa’id ka hadleen odhaaho meel mar ah oo loo riyaaqayna ka yidhaahdeen.
Marka haddaba la eego nidaamkan cusub ee cududaysan ee Golahani maanta la soo shir tegay, ayaa waxa ay muujinaysaa inuu Golihii ay xukuumadda siilaanyo Mar horeba sida fiinta uga qaylisay uu sii ballaadhay, islamarkaana gaadhay meel aanay waxba ka tari Karin hadallada iyo ceebaynta lagu weeraray Golahan iyadoo la adeegsanayo Madax-dhaqameed ka baydhay shaqadii dhaqan ee ay bulshada u hayeen una xuubsiibtay inay xukuumadda ku shaxaadaan wax ka sheegga iyo iyo xag-xagashada hadba cidii dhaliisha jirta farta ku fiiqda.
Cududan cusub ee maanta Golahani umadda tusay, ayaa sida la hubo waxa ka nixi doonta xukuumadda, kuna fikiri doonta jid ka duwan kii ay markii horeba kula dhaqantay dhaqantay Odayaashan oo ahaa ceebayn iyo cambaarayn ku eg Magaca odayaashani sitaan oo ah ‘GOLE’ iyadoo aan marnaba isku dayin inay ka jawaabto Eedihii Golahani badka keenay ee ku Geddaanaa Xukuumadda ka dhalatay xisbigii dhaleecaynta iyo waxka sheega dawladda laga bartay ee kulmiye.
Xukuumadda ayaa si cad uga dhego-adaygtay inay haba yaraatee wax jawaab ah ka bixiso mid ka mid ah 16-eedood oo Golahani sheegay inay xukuumadu ku kacday, waxana ku ekaatay ekaatay oo kaliya inay shacabka ku dhego-barjayso meesha uu Golahani ka keenay sharciyadiisa.
Marka haddaba la eego sida abaabulan iyo xawliga uu Golahani ku socdo, waxa muuqata inay ayaamaha soo socda Golahani heli doonaan shacbiyad iyo cudud ballaadhan oo indho sarcaad ku ridda dabna ku sii shidda saskii iyo baqihii ay xukuumaddani ka qabtay Golahan.
Inta badan shacbiga Somaliland ee haatan diidan habka madaxweyne siilaanyo dalka u hogaamiyo, ayaa si aad ah u soo dhaweeyey Golahan, waxana taas sii xoojisay saska iyo abaabulka habaysan ee dawladdu kala hortagtay Golahan, iyadoo maalin walba shacabku markhaati ka yihiin af-xumada, cayda iyo meel ka-dhaca aanay geyin ee dadka ka miciinka hooseeyaa ay ku hayaan mujaahidiinta dalkan u soo darxumooday ee u dabran toosinta iyo turxaan ka saaridda dalka.
Guntii iyo Gebagebadii Golahani waxa uu u muuqdaa mid ka faa’iiday Eedaha xad-dhaafka ah ee xukuumadu la dabasocoto, waxana la dhawrayaa bal sida ay cududoodu noqoto maalmaha soo socda, iyadoo xukuumaduna laga sugayo bal waxa ay kaga jawaabto eedaymahan cusub oo sida muuqata ka culculus kuwii xukuumaddu hore uga qaylisay.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa Office.

