Hargeysa 22-7-2013 (SDN)Illaa intii uu Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe uu u xamaan urursaday inuu si dhab oo aan gabasho lahayn u saro boogaha iyo dhaliilaha muuqda ee xukuumadda Axmed Siilaanyo, waxa soo if baxayey xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo u jawaabiddiisa ku raadinaya inay xukuumadda ugu dhawaadaan iyagoo daayacay hawlihii bulshadu u igmatay oo haatan baylahay.
Guddoomiye Faysal oo xisbi mucaarad ah wata, islamarkaana waajibkiisu yahay inuu xukuumadda toosiyo, meelaha ay dhaliisha ka leedahayna taabto, ayaa Beryahan dambe si xirfadaysan u soo bandhigayey galdaloolooyin caqliga gala oo ay leedahay xukuumaddani, ayaa ay soo baxeen xildhibaano soo dhaafay hawshii sharci-dejeen ee ay bulshada u hayeen oo safaf dhaadheer ugu jira inay jawaabo ay ugu dhawaanayaan xukuumadda ku weeraray Guddoomiye Faysal.
Maanta oo ugu dambaysay Hadal aan ku haboonayn inuu ka soo baxo afka shakhsi xildhibaan ah oo umaddu dooratay ku weeraray Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, isagoo Guddoomiyaha hadaladii uu hore uga sheegay xukuumadda ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad midna lahayn.
Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, gaar ahaan kuwa aan fahamsanayn xilka loo igmaday ee ay umadda u hayaan, ayaa u muuqda kuwa ku mamay kharashaadka kooban ee ay xukuumadda ka qaataan marka ay u jawaabaan shakhsi farafareeyey dhaliilaheeda, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaya xildhibaanada lumiyey milgihii iyo sharafkii ay huwanaayeen ee dhaafsaday shilimaad ay ku helayaan Cay iyo Aflegaaddo.
Maaha markii ugu horraysay ee xildhibaan ka mid Golaha wakiilada Somaliland uu aflabadii Alwado isagoo Afxumo iyo hadal aan munaasib ahayn ku af rogaya shakhsi aanay xaq ahayn inuu u jawaabaa maadaama uu yahay xildhibaan umaddu dooratay oo hawlo gaar ah u igmatay.
Arrimaha kale ee xaqiiqada ah ee jira ayaa ah in qof kasta oo u jawaaba shakhsi ay xukuumaddu sas ka qabtaa uu noqdo mid si gaar ah looga soo dhaweeyo Aqalka looga taliyo umadda ee madaxtooyada, taas oo keentay in safaf loo galo u jawaab celintiisa.
Caadadan iyo dhaqankan yasan ayaa ah mid ugub ah oo laga bartay xukuumadda kulmiye oo caan ku ahayd ku shimbiro waaqlaynta iyo soo bandhigidda wax kasta oo liddi ku ahaa xukuumaddii Daahir Rayaale oo iyadu ahayd xukuumaddii ugu dulqaadka badnayd ee soo marta Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa soo dhegaha shacabka ku soo badanayey odayaal iyo madax-dhaqameedyo u tafoxaydan inay wax ka sheegaan Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo xukuumaddu Geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay meesha ka saarto, odayaashaas ka idaad haysta xukuumadda.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)Hargeysa Office.

