Uncategorized

Saraakiil Baadhista Dilkii Weriyihii Laascaanood oo Dad ay Soo Xidh-xidheen La Sii Daayay Iyagiina Xabsiga La Dhigay

Laascaanood Nov 17,2012(SDN/Hubaal/)- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare) ayaa la sheegay inuu xabsiga u taxaabay  saraakiil ka socda Laanta dembi baadhista ee C.I.D-da oo magaalada Laascaanood u jooga baadhitaanka falkii lagu khaarijiyey Weriyihii dhawaan lagu dhilay magaaladdaas.

Baadhasaabka aya ala sheegay in uu Hor istaagay Kiiska baadhistaa oo ay wadaan laba sarkaal oo ka socda Dembi baadhistu, kuwaas oo dad ay u soo xidheen falkaasna xabsiga ka sii daayay BAadhasaabku.  Caaqil Jaamac Xuseen Weerane oo ka tirsan Madax dhaqameedka gobolka Sool  ayaa Wargeyska Hubaal uga Warramay tallaabooyin khalkhal gelin ah oo Baadhasaabka gobolku kaga hor tegey baadhistaasi, isaga oo ku eedeeyey in uu isku dhufanayo bulshaddii gobolka iyo dawladdii dhexe.

“Xaaladdii baadhitaanka waxaa is hor taagay guddoomiyihii gobolka Sool iyo taliyihii sirdoonka ee gobolka, kadib qoladii baadhista ahayd ee xagga galbeedka (Caasimadda HArgeysa ) ka timidna shaqada joojiya ayaa lagu amray, dadkii loo soo xidhay baadhitaankana  oo afar ahaana oodda ayaa maamulka gobolku ka qaaday,” sidaa ayuu yidhi Caaqil Jaamac Weerane oo isagoo ku sugan magaalada Laascaanood Xalay khadka Telefoonka ugu Warramay Wargeyska Hubaal, waxana u uu intaa ku daray “Markii ay qolada baadhistu diiday inay joojiso ee ay hawshooda iska wateenna Waxa guddoomiyaha gobolku ku amray taliyaha qaybta  booliska in labada baadhe la xidho laftooda, kadibna taliyaha qaybtu waxa uu yidhi maxaanu ku xidhnaa waa hay’ad naga sarraysa oo naga madax banaane.

Kadib baadhasaabkii waxa uu warqad amar ah  oo lagu xidhayo labada masuul ee baadhitaanka wada  u qoray taliyaha, haatana waraaqdaas isaga ayaa gacanta ku haya, kadib waa la xidhay oo waxay dhukumenti  iyo caddaymo hayeena waa laga qaaday, kadib waxoogaa markay xidhnaayeen baa dhinaca Hargeysa laga soo hadlay oo la sii daayay, dabadeed waa la cabsi geliyey oo cabudhin  baa lagu sameeyay, oo xataa nin  shicib ah oo qori sita ayaa loo soo diray oo ku war wareegayay, ma garanayno inuu cabsi gelinayay iyo in uu hawl u socdaye, adigu ninkii Booliska ayaa qabtay oo xidhay, haddana wax yar ka dib  guddoomiyihii gobolka ayaa sii daayay.” Ayuu  yidhi caaqilku, isaga oo gebogabadii hadalkiisana ku baaqay farriintan “Waxaanu u aragnaa arrin xukuumadda lagu xumaynayo oo dadkii maamulka hayayna  ay khalkhal gobolka ka wadaan, qaylo dhaan ayaanu madaxweynaha u diraynaa oo aanu leenahay Madaxweyne umadda ka soo gaadh maamulka gobolka oo nacsiinaya dadka dawladnimadda.  Ciidanka Boolisku si wacan bay u shaqaynayaan laakiin amar ka sarreeya oo gobolkii ah oo calankii sita ayaa ka sarreeya oo khalkhalinaya”.

Dhinaca kale  Wararka kale ee aanu gobolka Sool ka helayno ayaa sheegaya in xaaladda ammaan ee deegaanka ay khalkhal gelin ka wadaan xubno kamid ah maamulka gobolku kuwaas oo ka amar qaadanaya WAsiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, gaar ahaana Wasiirrada Madaxtooyadda iyo daakhiligu.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in shacabka ku dhaqan degmadda Laascaanood lagu  soo rogay in ay bixiyaan lacag loo yaqaan Gibil, taas oo qof kasta laga qaadayo, iyada oo aan ahay wax sharci ah ama cashuur ah, lacagtaas ayaa warku tilmaamayaa in ay qayb tahay amaro maamulka Laascaanood fulinayo oo ka yimid dhinaca wasiirraddaas xukuuamdda ka tiran. HAse ahaatee lama garanayo sababta illaa iyo hadda keentay in shacabkii dalka ama gobol kamid ah lagala hor tago tallaabooyin lagu nacsiinayo dawladnimada.