|

Aas Qaran ooo loo Sameeyay Alle ha u Naxariistee Marxuun Aadan Shire Jaamac oo ka tirsanaa Golaha Guurtida

Hargaysa 31.March {SDN} Waxaaa Maanta Magaalada Hargaysa lagu aasay Eebe Naxariistiisii janno ha ugu Deeqee Marxuun Xildhibaan Aadan Shire Faarax {Sanweyne oo ka mid ahaa Mudanayaasaha Golaha Guurtida oo ku Geeriyooday Shalay Galab Shil ka dhacay Dooxa Lafa ruug ee Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil kadib markii uu qaaday Gaadhigii ay Saarnaayeen .

Aaska Marxuunka Waxaaa ka Qayb galay Madaxweynaha Somaliland,Shirgudoonada Labada Gole ee Guurrtida iyo Wakiilada,Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha .

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo shalay ku geeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la tegay kaasi oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa intii ku geeriyootay shilkaasi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi geeriyooday.

Madaxweynhu waxa uu Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

waxa kale oo madaxweynuhu uu intii ku dhaawacan tahay shilkaasi alle uga baryayaa inuu ka shaafiyo dhaawacaasi, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.

Aadan Sanweyne waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada ugu miisaan cuslaa Golaha Guurtida isla markaana waxa uu ahaa dadka fara ku tiriska ah ee kaga hadhsanaa Waayo aragii Golahaas lagu yaqaanay ee Somaliland kala soo dabaashay marxaladihii adkaa ee ay soo martay.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN,

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed