|

Taallada Dalxiiska Caasimada Faransiiska ee Paris Oo Qarax Lagu Xiray

Paris March 31 2013 (SDN)– Taalada dalxiiska Caanka ku ah ee “EVIL” ayaa xalay lagu kala cararay, kadib markii ruux an lagaran uu baahiyay in taalada lagu xiray waxyaabaha qarxa, taasoo keentay in dadkii ka agdhawaa ay kala cararaan.

Ruuxan aan lagaran qofka uu yahay, ayaa riixay ganbaleelka digniinta, kaasoo la riixo marka ay jiraan xaalado dag dag ah, taasoo keentay in dad gaaraya 1400 qof ay ka cararaan hareeraha taalada EVIL.

Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka ee Paris, ayaa sheegay in baaris qaadatay Saacdo ay goobta ka wadeen, balse ay waayeen wax qarxa.

Waxaa xusid mudan in Taalada “EVIL” oo ah taalo ay caan ku tahay magaalada Paris, ay dhowr mar hanjabaad lakulantay, waxaana ugu danbeysay sanadkii 2011 markaasoo dad gaaraya ilaa 4,000 oo qof ay ku kala carareen.

Amaanka wadanka Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii ay Ciidamada wadankaas gudaha u galeen wadanka Mali, waxaana jirtay hanjabaadyo dhowr ah oo kaga imaanayay kooxda Al-qaacida.

SDN-Paris

Comments are closed