|

ABAARAHA GALBEEDKA : KA KACAAY, KA KACAAY FADHIGA!

Waxaa markhaati ma doon ah in raxan-raxan dadkii gubanka ku noolaa ay u daadanayaan, dhamaan duunyadoodiina xasuuqantay. Maaha arin curad ah balse waa natiijadii abaar macaluul isku rogtay oo afar jirsatay.

Masiibadan iyada ah waxaa maqaal qaylo dhaan ah aan ka qornay 27-kii September 2011 Qaylo Dhaan: Abaaraha Awdal/Salal/Gabiley. Wakhtigaas oo xaaladu bilowday inay faraha ka baxdo. Wakhtigaas aan maqaalkaa qornay ilaa imika wax taageero ah oo umaddaa loo gaystay ma jirin waloo madaxdhaqameedyadu ay dhowr jeer qaylo afka waaxeen.

Nasiib daro, cid qaylo dhaamahaa sanadada socday dheg u dhigtay ma jirin. Maamulka Somaliland oo si cad isku dhagatiraayay wakhtigaas iyo intii ka dambaysay wuxuu ka doorbidey inuu u gurmado Koonfurta Somalia oo laftoodu mudnaa gurmad halkuu dadkiisa isaga hoos yimid wax u tari lahaa.

Sifaha Somaliland arrintan u maaraysay waa mid su’aalo badan ka dhasheen balse dib ayaan amuuraha kugu foorarsan doonaa waayo maanta waajibka qudha ee ina saaran waa gurmad degdeg ah oo gudo iyo dibad ah.

Gudaha:

Inkastoo laftoodu ay dhago adaygeen, dadka gudaha joogaa gaar ahaan salaadiinta iyo culumadu dadaal bay wadaan. Halka fartu ku godantahay waa siyaasiintii galbeedka oo si doqoniima ah xilkoodii u gabay. Ninka dadkiisii oo halaagmaya Hargaysa ku qayilayaa waa damiir laawe dhagaroobay. Caruurta macaluushu xasuuqday ee loo damqan waayay waa ma hadho taariikhiya. Xildhibaan ku sheegyada horeyba asaagood uga hadhay ee xilkoodii siyaasadeed ka saaqidey maantana waxay ku darsadeen inay afar sanno iska dhagatiraan xaalada halaaga ah ee dadkoodii ku sugan yihiin.

Bulshada raydka ah hormoodkeedu waa jaamacadaha. Wali ma hayno halgan iyo abaabul ay jaamacadahaasi ay ka galeen dhibta odey ka sheekeeda ah ee abaaruhu keeneen. Maanta halka xaal maraayo Awdal, Salal iyo degaanada Gabiley in dugsiyo la aado ma banana. Waxaaa waajib ah in la gurmado oo la gaadho inta weli naftu ku sii jirto ee neefsanaaysa. Duunyo way dhamaatay, dadna wuu sii daba dhowyahay. Sidee hawlo kale loo halaalayaa inagoo og in maalin walba boqolaal walaalaheen ah qabriga lagu hubsanaayo ama dugaagu raqdoodii duurka ku cunaayo?

Qurba jooga:

Waxaa sidoo kale dambiileyaal ah bulshada qurbaha ku nool een war iyo wacaal ka qabin walaalahooga halaagmaya een weli ficil qaadin. Waxaa doqoniimo halkii ugu dambaysay ah in qurbaha lagu xaragoodo, walaalaheena ay macaluul darteed raxanraxan u daadaan. Waxaan ognahay in qaylo dhaano badan ay ina soo gaadheen balse aan wax jawaab ah la celin. Damiir xumadaa oo doqoniimo dhaaftay waa qoomiyad xumo haddyana ahaynba dhagar. Walaalkaa oo geeri qarka u saran haddaad u gurman waydo waxaad tahay shaqsi dhagaroobay.

Kal hore ayaan lahayn sidan : “Dhinaca qurbajooga ee ka soo jeeda gobolada abaarta la tacaalaaya aamus doqoniimo ayaa hadheeyay waxayna doorbidaan inay dadaalkoodii dul dhigaan qorsheyaal ma dhalays ah iyo xoojinta arrimada kala qabiya bulshada ee xaaraanta ah”.

Maanta qurbajooga goboladaas ka soo jeeda hurdo uma eeka, qorshe kale uuma yaalo, barnaamij kale uma banana. Waxa qudha ee waajib ah waa gurmad degdeg ah. Waa in fadhiga laga kacaa oo dhareerka layska duwaa. Gurmad la gurmado waa kii ugu muqadisnaa, waa mid Ilaahay waajib inaga dhigay, wa mid aayaheenu ku xidhan yahay. Waxa dhimanayaa waa caruurtii dhulkeena, waa hooyadii halbowlaha u ahayn qoyska, waa aabihii talinaayay, waa dhalinyaradii difaaca iyo mustaqbalkeena.

Gurmad la’aan waa dareen la’aan, cid aan wax ka sugnaana ma jirto.  Ninba waa ninkiisee kacaay oo ka kacaaaaay.  Inaan dad nahay iyo inkale la hubsan doonee…

Jama Osman Geele

Wadhaf News -Ottawa-

Comments are closed