|

Abaaraha Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Foogan Gobolada Galbeedka Iyo Shacabka Gobolada Hawdka Iyo Bariga Oo Tebaya

abaar

Hargaysa(QJ/SDN)- Abaar Baahsan oo saamayn Adag ku yeelatay Dadkii iyo Duunyadii sanadkana ka taagnayd Somaliland ayaa waxa ay waxyeelo badan u gaysatay bulshada ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka dalka,una Nugul Hada Abaartan oo ku dabo Dheeraatay.

Bulshada Somaliland ayaa Qaylo Dhaan ku aadan Abaaraha ku habsaday u diray xukuumada kana Dalbatay in ay Gargaar Duunyo iyo mid dadba lasoo gaadho si aanay Iyaga iyo Xoolahuba u madhan ayaa xukuumadu u muuqataa mid ka jawaabaysa Baahiya Ka taagan Waqooyiga iyo Galbeedka Somaliland,kana Masuugaysa bulshada kale ee u baahsan gargaarka.

Abaaraha ku dhuftay deegaannada somalland ayaa ah kuwii ugu xumaa muddo sannado ah iyadoona Gurmadkan bilowday ee ay xukuumadda Siilaanyo ku dhawaaqday aanu gaadhin Gobollad Hawdka iyo Bariga Somaliland.

Dhanka kale, mashaariicda iyo wax-qabadka hay’adaha Samafalka Ayaana loo wada sinnayn iyadoo xukuumadda madaxweyne siilaanyo ay ku eekasiisay isla gobollada hadda uu ku koobanyahay gurmadka abaaruhu.

Shacabka gobollada Hawdka iyo Bariga Somaliland Ayaan illaa hadda dhag-jalaq loo siin qaylo-dhaanta kasoo yeedhaysa ee ay sababtay abaarta baahsan ee ku dhufatay deegaannadaasi. Mana jirto illaa hadda dhaq-dhaqaaqyo rasmi ah oo shacabkaasi loogu gurmanaayo.

Ugu danbeyntii, maalintii shalay ayay ahayd kaddib markii madaxweyne Siilaanyo uu guddi iskugu jirta qaybaha kala duwan ee bulshada u magacaabay gurmadka abaaraha baahsan ee ka taagan guud ahaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah mid ay bulshada reer Somaliland soo wada doorteen ayaa lagu eedeeyaa in ay tahay mid aan bulshada Somaliland dhex u ahayn, waxaana arrintani ay marag ka tahay eedayntaasi hore.

Haddaba, Bulshada ku dhaqan Gobolada Hawdka iyo Bariga Somaliland ayaa ka dhul Sugaya Gudidan Cusub ee Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay abaaraha in ay dhinacooda soo eegaan iyo in ay Ku sii adkaystaan Go’aamadii ay Jideeyeen Gudidii Hore uu madaxwaynaha Somaliland u magacaabay ee waxqabadka iyo Taakulada ku koobtay deegaannada Waqooyiga iyo Galbeeda.

Comments are closed