|

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Xukuumaddiisa Ku Sameeyay Isku-shaandhayn, Magacaabis iyo Xil ka qaadis

siilaanyo

Hargaysa 14.Feb 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu digreeto uu caawa soo saaray uu isku beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey wasiirrada, wasiir ku-xigeenno iyo masuuliyiin sar-sare. Digreetada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:-

”Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

No Magacaabid Xil hore Xil Cusub / Xil suge / Qaadis

1 Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Wasaradda Duulista Wasiirka Warfaafinta

2 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Xannaanada Xoolaha

3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka Xannaanada Xoolaha Wasiirka Duulista Hawada

4 Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirka Ganacsiga Xil Suge

5 Mudane, Yaasiin Maxamed Shide Guddoomiyaha Gobolka Sool Xil Suge

6 Mudane, Xuseen Aadan Cige Af-hayeenka Madaxtooyada Wasiirka Ganacsiga

7 Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha Xil Ka Qaadis

8 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey Maareeyaha Madbacadda Qaranka Xil Ka Qaadis

9 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Wasiir Ku-xigeen W. Duulista Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga

10 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta

11 Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga

12 Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha

13 Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada

14 Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada Wasiiru Dawlaha W. Duulista

15 Mudane, Xamse Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

16 Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Guddoomiyaha Gobolka Sool   17 Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye   (Shamax) Afhayeenka Madaxtooyada

18 Mudane, Siciid Saalax Shire Maareeyaha Madbacadda Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Comments are closed