|

Abaaro ka jira Degmada Jariiban iyo Ceelbiyood muddo jabnaa oo la kiciyey

Jariiban 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Deegaaanka seemada oo hoostaga degmada jiiriiban gobolka Mudug oo biyo la,aan adag ay ka jirtay muddo 3 bilood ah oo lasoo dhaafay ayaa xiligan ceelbiyood ka jabay dib loogu kiciyey dadka deegaankaasi.

 

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa sharaxay ceelkan iyo muhiimada uu lahaa bulshada iyo sidoo kale cida ka qayb qaadatay kicinta ceelkaasi wuxuuna soo hadal qaaday hay,ada Horn of Africa.

 

Nabadoon Cabdi Siciid Cali Cabdule oo kamid ah waxgaradka deegaanka seemada ayaa sheegay inuu ceelbiyoodku xiligan u baahanayahay dayac tir badan dadka ka qayb qaatana looga baahanyahay inay ka caawiyaan dadka deegaanka sidii magaalada dhexdeeda biyo loogu gayn lahaa.

 

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa sidoo kale ka mahad celiyey gurmadka ay hay,adani lasoo gaartay dadka deegaanka iyo ceelbiyoodka ka jabay waxana sidoo kale uu sheegay in loo baahanyahay in laga warqabo ceelkaasi oo muddo hal bil gudood ah jabay ilaa saddex jeer.

 

Degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sidan oo kale waxaa u fadhiyey ilaa 3 ceel oo kale una baahan in lasameeyo sida uu tvga jubbaland u sheegay Gudoomiyaha degmada Jariiban.

Comments are closed