ASALAAMU CLKYKUM WARXMATULAAHI WABRKTUH BACDAL SALAAN
ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH DHAMAANTEED
Intaasi ka dib waxaa mahad iyana mudan akhyaarta wararka sida tooska iskula socodsiinaysa ummada afka soomaaliga ku haddasha meelkastooy joogaanba
ABII-BAKAR SIDIIQ .R.C.Saaxibul rasuullullaaha taariikhdiisa waa mid aynu wax ka wada naqaan mid laga dhargana maha taariikhda dadka wanaagsani,
ABII-BAKAR ;waxaa inagaga filan qiimahiisa halka uu ka joogay nabiga s.a.w.abii baker waxaa uu ahaa ninka uu rasuulku (scw) inta badan la tashado.mana uusan ka faaruqi jirin rasuulka (scw) agtiisa haddii ay jihad tahay iyo haddii ay arrin kale tahayba
Ninka khayrul khalqilaahi jeclaaday la rafiiqiisa iyo ag joogiisa waa qof ilaahay aad iyo aad u jecel yahay inagan alle ha ina jeclaysiiyo rasuulaka scw iyo saaxiibkiisba
WEEDHIHIISII CAJIIBKA AHAA ;markii layskugu yimi doorashadii xalaasha ahayd ee islaamku ogol yahay ,ayaa dadkii baayaca guud la galeen abii baker ,
Ka dibna waa uu hadlay abii baker ,waxaana uu yidhi markuu ilaahay mahadiyey(dadyahow waa la iiga kiin madax dhigay mase ihi kii idiinku khery badnaa ,
Markaa haddii aan wanaagsanaado iigu kaalmeeya ,haddii aan xumaadana I toosiya.
Runtu waa amaano,beentuna waa khiyaamo.(KIINA DACIIFKA AH)ee lagu xadgudbu agtayda quwad buu ka leeyahay ilaa aan xaqiisii uga soo celinayo,
Kiina awooda leh (EE XADGUBAANA )agtayda daciif buu ka yahay ilaa aan xaqa ka soo celinayo.
Dadyahaow I adeeca intaan (ALLE IYO RASUULKIISA S..C.W.)addeecayo.haddiise aan alle iyo rasuulkiisa aan (CAASIYO)addeecid idinkuma lihi,
Sidaasi ayey u dhacday doorashadii abii baker oo uu ku noqday khaliifkii rasuulka scw isagoo dadkii raali ka wada yihiin,
ABII BAKAR SIDUU DIINTA U ILAALIN JIRAY
Abii baker wax kastoo dhaca waxaa uu ka hor marin jiray diinta ilaalinteeda .mana ogalaan jirin in wax yar oo diinta islaamku farayso in laga tago .dadkii diiday sakada ayaa abii baker yidhi dagaal baan ku qaadayaa haddii ay diidaan dabar ay rasuulka (scw) siin jireen in la eeg ,cumar bin khataab baa ku yidhi side baad ula dagaalamysaa dad tawxiidki qiraya oo salaadii tukanaya ?abii baker baa yidhi waxaan rajaynayaa gargaarkaaga ee ma waxaad ila timi khaddeeco,gaalnimadii waad ku adadkayd islaamkana waad ku dabacday miyaa waxyigii alle waa goay diintuna taam ayey noqotay ee miyey nusqaamaysaa DIINTA ISLAAMKU ANIGOO NOOL
Ka dib cumar ayaa waxaa uu yidhi waxaa aan aqoonsaday inay xaq tahay arrinta uu ilaahay ku waasiciyey xabadka abii baker oo ah la dagaalanka kuwa sakada diiday.sidaasi ayey ahaayeen dadkii ummadani ugu fadliga badnaa in iyagoo nool diintani islaamka wax loo dhimo ama loo geysto ama badh la qaato badhna laga tago may yeeli jiri
ABII BKAR SIDUU U OGAA RAACIYADIISA KUWA U BAAHAN DARYEEL
Waxaa dhacday cumar baa soo warinaya maalin maalmaha ka mid ah ayaan daba galay abii baker sidaan khayrkiisan faraha badan wax ooga soo barto si alle iigu anfaco
Waxaa uu yidhi waxaa uu u tagey islaan da,ah markaa islaantu tamarteedii way gabtay
Abii-bakar gurigeedii buu u fiiqay dabkii buu ushiday rideediina waa uu u soo lisay.
Wuu iska tagey buu yidhi cumar waxaan u waydaartay buu yidhi islaantii oon salaamay
Markaas baan waydiiyey ninkii kuu shaqaynayey ma garanaysay waxay tiri waa wiil baari ahoo ilaahay ii soo diray subaxii iyo galbtiiba wuu ii yimaada guriga ayuu dabka ii shidaa ridaydana waa ii soo maala mana aqaan waa wiil kheyr qaba
Cumar waxaa uu yidhi maalintaasi abuu baker waxaan idhi waxaad nagaga tageysaa xil aan qofna ka soo bixi Karin macnaheedu yahay nin shaqadani ka soo bixi karaa ma jiro
Abii baker midna aan yar ogaano isagoo ah khaliifka muslimiinta shaqaduu hayaana aan wada qiyaasi karno siday u wayntahay haddana waqtigiisii waxaa uu ka dhex sameeyey inuu khaatim u noqdo raaciyadiisii mid ka mid ah waana taasi masuuliyada islaamku
Reer galbeedkani aan ku soo qulqulayno wadamadooda taariikhahani cajiibka ah bay akhristaan markaasay ku maamulaan dalkooda ooy wax kala soo dhex baxaan inana nidhaahnaa bal eega cadaaladooda (taariikhdeena aynu ku abtirsano alle dib ha inoo tuso )
Waxaa aynu ku kala tageynaa khayr iyo wanaag ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu
Inaga so o dhex saaro kuwo ummadani maxamed scw ka saarta jahliga oo u saarta nuurka islaamka
Fuadjawi
Ottawa canada
