Uncategorized

Af-hayeenka Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq Oo Cali Warancadde Ugu Baaqay In Uu Is-Casilo

Hargaysa 10.Feb 2014 (SDN)- Af-hayeenka Dhallinyarada Habar Yoonis Xasan Axmed Xasan (Xasan Dhako) ayaa ka hadlay xadhigga Guddoomiyaha Guddiga Talo iyo Tawfiiq, fara-gelin uu sheegay in xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiillada, sidoo kalena ugu baaqay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland inuu is-casilo.

 

Xasan DhakoAf-hayeenka oo maanta wareysi siiyay saxaafadda ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ah Af-hayeenka Dhallinyarada Habar Yoonis waxa aan xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa in Inta aan Gabbalku Dhicinna Xorriyaddiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha guddiga nabad-taliska ah ee Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo xubnaha la xidhan ee ay Beelaha Habar Yoonis ku doorteen Shirkii Daallo, oo xalay saqdii dhexe jeelka loo taxaabay isaga oo aan waxba galabsan.

 

Xukuumadda waxa aan uga digayaa fara-galinta ay ku hayso golaha wakiillada, waxaanan leeyahay wixii halkaas ka yimaadda idinka ayaa qaadi doona masuuliyadeedda. Si gaar ah waxa aan u leeyahay wasiirka madaxtooyada oo ka dambeeyay xadhigga Guuleed Daahir Samatar oo illaa xadhig dibadda ah Hargeysa ku jooga iyo Guddoomiyaha Talo iyo Tawfiiq waa in aad faraha ka qaaddo hawlaha aad maleegayso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waa nin adeerkay oo xil dawladda ka haya. Waxa aan leeyahay haddii aanad si madax bannaan u gudan karin xilkaaga shaqo oo hadba laguu gacan-dhaafayo jagadii laguu igmaday waa in aad is-casisho, sidaas ayay sharaftaada iyo karaamadaadu ku jirtaa”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com