Uncategorized

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo Qaadacay Go’aankii Ergadii Guurtida

Hargaysa 10.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiye Xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Go’aanka guddi guurtida ka socotay ku qaboojiyeen Xiisadii golaha wakiilada aanay isku ogayn. Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha wakiilada ay isku ogaayeen in Mooshinada golaha horyaala loo codeeyo.

baashe“Annagu Gudoomiyaha waxbaanu isku Ogayn, waxaan ku idhi Golaha mooshinkii soo dhig, Mooshinkaa Goluhu ha u codeeyo, Goluhuna fasax ha galo sidaasi ayaanu isku Ogayn. Guurtida iskumaanu ogayn go’aankii ay riday.” Ayuu yidhi Mudane Baashe oo Warfidiyeenada kula Hadlayay Hoolka Golaha Wakiiladu.

Go’aankaasi oo markii uu ku dhawaaqay Oday Xaaji Cabdiwaraabe Sacabka aqbalaada ahi isqabsaday ayuu Gudoomiye xigeenka Goluhu sheegay in xildhibaano badani diidan yihiin Go’aanka Ergada Wakiilada oo ku saabsanaa in Golaha fasax la galiyo islamarkaana la dhexdhexaadiyo labada dhinac ee Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa.

Waxa uu sheegay inuu ku qanci doono wixii Golaha iyo xildhibaanada la Firkirka ah ee Mooshinka waday ka yeelaan Dhexdhexaadinta Golaha guurtida.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com