|

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Oo Cafis La Yaableh ka Helay Dawladda Federal-ka Somalia

Muqdisho:Sep,08,2015(SDN/QJ)-Dawladda Federalka Somalia, ayaa si lama filaan ah u shaacisay in Afhayeenka Kooxda Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage(cali-dheere) ay gebi ahaanba cafiyeen haddii uu xukuumadda isu soo dhiibo.

carWarkan oo bulshada lama filaan ku noqday, ayaa waxa shaaciyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka Hadlay hannaanka Hoggaanka Kooxda Al-shabaab loosoo dabbaali lahaa.

Wasiirka oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay dadka ka tirsan Ururka Al Shabaab ee dembiyada gaystay, in Dowladda Somaliya ay cafis u fidinayso.“Dadka nabadiidka ah iyaga oo Dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayay tidhi cafis baad tihiin, Cali Dheere haddii uu maanta yimaado waa cafis, Soomaali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho? Intaas ayaan qarxinay oo eber ka dhignay soo ma dhaho? Maanta haddii uu yimaado waa cafis, waayo waa Soomaali la khalday , inaan dhaqan celinno, meel gayno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko, baan diyaar u nahay.” Ayuu yidhi Wasiirka.

Wasiirka waxaa uu shacbiga Somaliyeed uu ugu baaqay inay is garab taaggaan Dowladda, loona caqli celiyo kuwa ka tirsan ee Ururka Al Shabaab, gacanna la siiyo Ciidanka Dowladda.“Hala is garab taago, dadkaasi haloo caqli celiyo, Ciidamada ammaanka halala shaqeeyo, qofkii nabadgalyo darra wada hala soo qabto, dalkaaga adaa iska leh, Dowladaada adaa is ka leh.” Ayuu yidhi Wasiirka.

Wasiirka, ayaa intaa raaciyay “Dowladnimado waa dadka, haddii ay wanaagsanaato idinka ayey idiin wanaagsanaanaysaa, hala is garab istaago. Ciidamada hala garab istaago.”

Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Somaliya sheegto in la cafin doono Cali Dheere, oo markasta Warbaahinta ka soo muuqda, kolka ay Shabaabku gaystaan weerarada uu dhiigga badani ku daato.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed