|

Reer Garbahaarrey Oo Ulo iyo Dhagaxaan Kala Daalay Ciidamo Ethiopian ah Oo Isku Gedaamay Aqalka Guddoomiyaha Magaalada

Garbaharey:Sep,08,2015(SDN/QJ)-Shacabka Reer Garbahaarray, ayaa si weyn uga Gadooday Maalintii shalay Ciidamo Ethiopian ahaa oo isku gedaamay aqalka  Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Guddoomiyaha Degmadaas oo warar soo baxayey sheegayee inuu dhuumasho kusoo galay Magaalada.

reerGanacsatada oo albaabada u laabay goobahooda ganacsi iyo shacabka reer Garbahaarey, ayaa soo buuxiyay hoyga Maxamed Cabdi Kaliil, waxa kaloo ay shacabku xidheen wadooyinka Magaalada qaarkood.

Shacabka oo dhegxaan soo gurtay, ayaa shiid kala daalay Ciidanka Itoobiya, waxa kaloo jira askari Itoobiyan ah oo gaari booyad ah ilaalo ka haayay in qorigii uu watay xoog looga fara maroojiyay.

Ciidanka Itoobiya, ayaa dib kaga gurtay hoyga Maxamed Cabdi Kaliil, iyagoona dib ugu laabtay Xeradii ay shalay ka soo ruqaansadeen, mana jirin wax rasaas ah oo ay Ciidamada Itoobiya adeegsadeen.

Shacabka reer Garbaharey oo markii horeba si weyn kaga soo horjeeday in shaqada laga eryo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa muujiyay sida ay u garab jooggaan Gudoomiyaha.

Dadka reer Garbahaarey, ayaa ku qaylinaayay in dhulkan uu yahay midkii Somaliyeed, isla-markaana aynaan marnaba aqbali karin gumeysi cusub.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidanka Itoobiya ay codsadeen dib in loogu soo celiyo laba qori, oo ay shacabku ka furteen, balse waxaa la ogyahay in shacabka ay hal qori oo keliya ka qaateen askari ilaalo u ahaa gaari booyad ah, oo Ciidanka Itoobiya ay lee yihiin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed