Paris:20-Nov-2013(SDN)-Wasaaradda arimaha dibada ee Faransiiska ayaa dhinac iskaga Riixday eedo uga yimi Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Oo la xidhiidhay inay gacanta ku hayaan basaasiin u dhalatay waddanka Faransiiska.
Romain Nadal oo ah afhayeenka wasaarada arimaha dibada Faransiiska ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin u dhalatay dalalka Faransa iyo Ingiriiska lagu xidhay deegaanada Puntland Khamiistii lasoo dhaafay.
“Waxaan iskala shaqeynaynaa dowlada Ingiriiska sidii loo cadeyn lahaa inaysan aheyn waxa lagu eedeeyay loona difaaci lahaa, laguna sii deyn lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan, laakiin ma aha muwaadinka Faransiiska ah nin Jaajuus ah”sidaasi waxaa yidhi Mr Nadal afhayeenka wasaarada arimaha dibada Faransa.
Wasiirka amaanka ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa isniintii lasoo dhaafay sheegay in labada ruux ee ay qabteen ay ahaayeen dad Jaajuusiin ah oo isku ekeysiiyay shaqaale urur aan dowli aheyn “NGO”.
War saxafadeed kasoo baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo warbixinada ka gudbinayay deegaanada Puntland, sidaasi daraadeedna lagu eedeeyay inay Jaajuusiin ahaayeen.
Labada qof oo u kala dhashay wadamada faransiiska iyo ingiriiska, ayaa wali ku xidhan jeelasha Puntland, waxana laga yaabaa in maamulka sare xukuumadaha muwaadiniintani ka soo jeedaan kala hadlaan sii dayntooda maalmaha soo socda.
S.D.N
