Djibouti:Dec,21,2014(SDN/QJ)-Wada-hadalladii shalay Somaliland iyo Somalia uga furmay Dalka Djibouti ayaa lasoo gunaanaday, waxana laga soo saaray Qoddobo dhawr ah oo labada dhinac si wada jir ah qalinka ugu wada Duugeen.
Labada dhinac, ayaa maanta Magaalada Djibouti iskula meel dhigay Qoddobo aan waxba ka buurnayn kuwii hore loogu saxeexan jirey Shirarkii ay hore u yeelan jireen, kuwaas oo ay kamid ahayd in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeya 15-16 bisha January ee sanadka soo socda 2015, laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in arrimaha siyaasada ee masiiriga ah in lagu dheeraado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay, isla markaana laga dhowrsado wixii wada hadalada carqalad gelin karo.
Waxaa kaloo labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn deeqaha bani’aadanimada iyo mashaariicda dib u dhiska ah, lana dhiira geliyo.
Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada, isla markaana la sameeyo gudiyadii farsamada ahaa, waxaa sidoo kale qodobada ku jiray in labada dhinac ay isla gartaan in wada hadaladooda laga qeyb geliyo wadamada saaxibada la ah.
War murtiyeedkan oo laga soo saaray xafiiska Madaxtooyada Jabuuti ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku casuumay jabuuti, si ay uga wada hadlaan, maadaama wada hadaladii labada dhinac u dhaxeeyay uu hakad galay.
Waa markii labaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland ay kulmaan, iyadoo sanadkii hore ay ku kulmeen dalka Turkiga, xilligaas oo wada hadalkooda uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga oo hada ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
