Uncategorized

Al-Shabaab Oo Lagala Wareegay Deegaano Hor leh Iyo Khasaare Baaladhan Oo Soo Gaadhay Dadka Rayidka Ah

oooo05 ,June,2014(SDN/QJ)- Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo wada jira ay Xarakada Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano ay ku lahaayeen Saldhigyo ciidan.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in guulo ka gaadheen dagaalo ay Al-Shabaab kula galeen deegaano katirsan Gobolka Bakool , waxa ayna saraakiishan tilmaameen in gacantooda soo gashay ilaa afar deegaan oo Shabaab hayseen kuna lahaayeen saldhigyo Milatari.

Deegaanada la sheegay in Al-Shabaab gacantooda ka baxay lana wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobbiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa waxa ay kala yihiin Rabdhuure, La Heroow, La Galaay, iyo Buura xinle .

Dagaalo culus oo labada dhinac Maalmihii lasoo dhaafay ku dhaxmarayay Deegaanadan iyo deegaano kale oo katirsan Gobolka Bakoo,l waxaa ka dhashay qasaarooyin xoogan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac oo kala gaadhay labada dhinac iyo waliba dad rayid ah.

SDN/QJ-Bakool

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidasporanews.com