Uncategorized

Al Shabaab oo sheegtay in ay gacanta ku hayaan Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya

Muqdisho June 4, 2013 (SDN)— Kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay maanta in ay gacanta ku heyso Askar ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Al Shabaab ayaa warkan ku soo baahiyay barta ay Twitter-ka ku leeyihiin, waxaana ay tilmaameen in maxaabiista ay qabteen ay ahaayeen kuwa ka qeybqaadanayay dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kooxda Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay dishay toboneeye ciidanka AMISOM ah kuwaasi oo u dhashay dalka Uganda.

Al Shabaab macadeyn dhalosho ahaan wadanka ay ka soo jeedaan Ciidamada ay hayaan laakiin waxa ay tilmaameen in uu ku jiro Taliyhiin goobta ay weerarka ku soo qaadeen xilligaasi.

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal habeenkii Sabtiga 31, May, 2013 ka dhacay duleedka Muqdisho ku dileen 14 askari Yugaandheys ah waxaa kale oo mujaahidiintu qabteen Maxaabiis uu kamid yahay Taliyihii ciidanka ee Saldhigga laweeraray”.Ayaa lagu yiri Qoraalka Shabaab.

Shabaab ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya inay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM sida Sawiro iyo wax lamid ah, laakiin qoraalkooda ayaa waxa ay ku balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan muuqaalo cadeymo ah.

AMISOM ayaan ilaa iyo iminka ka hadlin sheegashada Shabaab ee ku aadan inay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

SDN-Muqdisho