Muqdisho June 4, 2013 (SDN)— Wafdi ka socday Wasaarada Gaashandhiga dowladda Masar ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday Masar oo ka koobnaa 2-janaraal ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Madaxtoyada Faarax C/qaadir, saraakiil ciidamada ka socda iyo mas’uuliyiin kale.
Admiral Faarax Qare oo ah taliyaha ciidamada badda Soomaaliya oo la hadalya saxaafada ayaa sheegay in wafdigan ka socda wasaarada gaashandhiga Masar u jeedkooda ugu weyn ee halkaan ay u yimaadeen ay tahaya in ay ka gacan siiyaan ciidamada dowladda dib u dhiska xarumaha ciidamada iyo xafiisyada wasaarada Gashandhiga Soomaaliya.
Midka mid ah janaraalada maanta yimid Muqdisho ayaa tilmaamay in Masar ay taageereyso dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ka qeybqaadaneyso dib u dhiska ciidanka dowladda Soomaaliya.
SDN-Muqdisho
