|

Al Shabaab oo u hanjabay muwaadiniinta Kenya ee doorashooyinku ay ku soo foodleeyihiin

Muqdisho Feb 28 2013 (SDN)– Iyadoo doorashooyinka dalka Kenya ay maalmaha soo socda ay ka dhici doonaan gudaha dalka Kenya ayaa Ururka Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama wuxuu war kasoo saaray doorashooyinka Kenya warsaxaafadeedka Al-Shabaab ayaa uqornaa sidatan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku aadan doorashooyinka aadka loo sugayo ee todobaadyada nagu soo aadan lagu wado inay ka dhacaan gudaha dalka Kenya, xilli loolanka dhanka siyaasadda ee dalkaasi uu saameyn ku leeyahay dagaalka Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay mudada 5-tii sanadood ee Mujaahidiintu ay ka arriminayeen dhulka ku teedsan xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya in nabad-galyo buuxda ay heysteen dadka ree Kenya, balse arrinkaas uu meesha ka saaray go’aankii dawladdoodu ay ku gaartay iney qeyb ka noqoto duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

“Dalkiinu wuxuu ku naaloonayay nabad iyo xasilooni, ma jirin maxaabiis Kenyaati ah oo Soomaaliya lagu heysto, wax walwal ah meydan ka qabin in dhibaatada Soomaaliya ay dalkiina ku soo baahdo, balse maanta iyadoo laga shallaynayo go’aankii dawladdiina; xaaladda dalkiinu way ka sii dareysaa, dhaqaalihiinu wuu sii liidanayaa, amaankiina faraha ayuu ka baxay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in sidaas oo ay tahay ay xilligan shacabka reer Kenya heystaan fursad muhim ah oo ay go’aan kaga gaari karaan mustaqbalkooda, marka loo eego doorashooyinka madaxtinimo ee aadka la isugu dhaw yahay oo billowga bisha March ka dhici doonta dalka Kenya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay tan iyo markii ciidamada Kenya ay cagta soo dhigeen dhulka Muslimiinta Soomaaliya in dadka reer Kenya ay waayeen amnigii guud iyo midkii gaar ahaaneed-ba, iyadoona colaaddii ay Kenya ka riday Soomaaliya ay u gudubtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

“Si kasta oo ay ahaataba, isbadalka jawwiga siyaasadeed ee dalka ayaa ka dhigan fursad dhanka mustaqbalka oo muhim ah, waa mustaqbal aan dhiig danbe daadan doonin; hadda ayaad heystaan fursad aad ku fakartaan, dibna u eegtaan go’aanadii ay idin saartay dawladda sii dhaceysa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Shabaab.

Mujaahidinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in marna aaney ku khasaareyn dagaalka oo ay isaga difaacayaan kuwa kusoo xadgudbay, halka dadka reer Kenya in marnaba wax faa’iido ah aaney ka heli doonin duulaanka dawladdoodu ay ku soo qaaday Soomaaliya.

“Haddii aad doorataan dhabaha Nabadda, adinka ayaa faa’iidada ugu badan helaya, haddiise aad ku sii socotaan dhabaha dagaalka waxaad ogaataan ineynu nahay rag dagaalka aan ka laba labeyn, oo diintooda aan ka leexan, wax walibana u huraya difaaca diintooda iyo dhulkooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaas ku sii daray “ Haku dagmina mudada kooban ee ciidamadiinu ay heysanayaan Kismaayo; dagaalku wuu dheeraan doonaa, wuuna khasaare badnaan doonaa”.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay XSHM ayaa imaanaya waqti aad loo wada sugayo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya, iyadoona doorashooyinkii sanaddii 2008-da ay ka dhasheen rabshado baahsan oo kumanaan dad ah ay ku dhinteen, waxaana markani laga baqayaa ciidamada dalkooda oo duulaan ugu maqan Soomaaliya in arrinta dalka ay faraha ka bixi doonto haddii lagu murmo doorashadaasi.

Comments are closed