|

Ururka Samafalka ee Garoodi oo Baaq qeylo dhaana u jeediyay Xukuumada iyo Golleyaasha Qaran ee Somaliland

London Feb 28,2013(SDN)-Ururka Samafalka Garoodi ayaa baaq uu na soo gaarsiiyay waxa uu fariin qeylo dhaana ugu diray Xukuumada iyo Golleyaasha Qaran ee Somaliland,Baaqa ayaa ka warbixinaya xaaladaha Nololeed ee ka jira degeenada hoostaga Degmeda Salaxlley,Baaqa ayaa sidan u dhignaa

Bismillaahi Arraxmani raxeem

Waxaanu ummadda reer Somaliland leenayahyAsalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.

Allaah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ka: Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi

Ku: Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Og: Golayaasha qaranka.

Og: Asxaabta Qaranka.

Ujeeddo Baaq dheer.

Taariikh : 26/02/2013

Waxaannu haddaannu nahay ururka kor ku xusan baaq dheer u soo jeedinaynaa Qaranka Somaliland kaas oo ah waxaa jira deegaanno soddon kor u dhaafaaya oo ka tirsan degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex oo aan badankoodu helin adeegyada aasaasiga ah ee aanu aadamuhu ka maarmin waxaanay kala yihiin adeegyadaasi goobo caafimaad ,Ceelal biyood,Dugsiyo wax barasho iyo ciidanka ilaalinta nabadgelyada inkasta oo ay dadka deegaanku is abaabuleen si ay u ilaashadaan nabadgelyadooda.

Deegaanadasi waa kuwo ku hodan ah xoolaha nool ee dalku ku tiirsanyahay sida Geela Adhiga iyo Lo,da dhibaatooyinka soo wajaha dadka deegaankaas waxaa ka mid ah dadka oo aan haysan meel ay iska daweeyaan marka ay u baahdaan,xiiliyada abaaruhu jraan oo ay biyo la,aan xooluhu kaga idlaadaan taas oo dhabarjab ku ah dalka dhaqaalihiisa, waxaa kale oo ka mid ah dadka dhibaato ka soo gaadho marka ay la daaladhacaan xoolohooda aan gargaar cid kale helin waayo xoolaha ma laha keligood ee dalka ayaa la manafacaadsada dhibtuna waxay gooni u tahay dadkaas gacanta ku haya, waxaa soo raaca dadka oo aan helin wax barasho ay jahilga kaga baxaan si ay dhibaayinka haysta wax uga maarayn karaan.

Ururka Gaaroodi ee Samafalka ah wuxuu laba iyo tobankii sanadood ee u dambeeyey ee uu ururkani kaalin qaaday ku dedaalaayey in uu inta karaankiisa ah wax ka qabto dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay waxaanu ka qayb qaatay dhinaca wax barshada si uu ururku ugala dagaalamo dadkaas jahliga waxaana ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiga sare ee degmada Sallaxlay dugsiyadaas dawladdu kama gacan la,a oo macallimiinta iyo shaqaale hoosaadyada ayey qaarkood gunno aan ku fillayn gaadhsiisaa waxaa kale oo ururku gacan ka gaystaa degmooyinka hoos yimaadda degmadaas Sallaxlay.

Dhinaca caafimaadka waxaa qayb laxaad leh ka qaatay Hablaha Gaaroodi oo ka hir geliyey degmada Sallaxlay dhakhtar aan wali la dhammays tirin in gacan laga siiyana u baahan, ururka Gaaroodi waa sida aan soo sheegnay urur fidiya samafalka waxaana ka qayb qaata dad khayrka jecel oo dadkooda iyo dalkooda horumar la doonaya karaankooduna xaddidanyahay.

Haddaba Baaqan aanu u jeedinayno Dawladda Somaliland golayaasha qaranka iyo shacabka guudahaan waxaa uu yahay sida aan kor ku soo sheegnay in ay dhibaatooyinkaas dadkaas ku gooniyoobay wax laga qabto maadaama ay Dawladdu cashuur ka qaado dadkeediina ay yihiin sida wax loogala qaban karo .

Wax barashada
In la dayac tiro dugsiyada dhammaan degmooyinka aan lahayna loo sameeyo goobo wax barasho si ay uga baxaan geedka hoostiisa, macalliimiinta iyo shaqaale hoosaadyada oo gunnadooda loo dhammays tiro.

Caafimaadka
Waxay u baahanyihiin deegamadaasi in la ilaaliyo caafimaadkooda loona sameeyo goobo caafimaad iyo dhakhaatiirtii ka hawl gali lahayd si looga hor tago in ay darxumo iyo xannaano la,aan u dhintaan dada muwaadiniin ah oo dalka u dhashay.

Biyaha
Sida la wada ogyahay biyuhu waa nonosha koowaad ee aadamuhu aanu la,aantood noolaan karin Allana subxaana wa taacala uu qur,aankiisa ku sheegay in ay wax kasta biyaha ku noolyihiin, sida aynu soo sheegnay dhaqaalaha ugu badan ee dalka soo gala waxaa uu ka yimaada xoolaha nool, xoolahaasina waxay ku dhintaan dhaqaale xumo aan caafimaadkooda aad loo daryeelin iyo biyo la,aan  si ahaantaas waxay deegaanadaasi u baahanyihiin in loo sameeyo biyo qabatinno sida ceelal biyo xidheen ah ama riigag ay ku badbaadaan xoolahaasi oo adduunka la gelyo dib looga helaayo marka la kobciyo xoolaha dalkuna hodan ku noqon karo lagagana maari karo in dawlado kale gacanta la hoos dhigto.

Gebagebadii

Waxanu madaxda dalka ku boorinayaa in ay dalka meelaha dhibaatadu ka jirto il gaara ku eegaan annaga oo ugu ducayanayn in  ilaahay hawsha u fududeeyo kana dhigo kuwii dalkooda iyo dadkooda hore u mariya.

Wa billaahi tawfiiq

Guddoomiyaha Ururka Samafalka Gaaroodi
Deeq Cabdi Digale

Comments are closed