|

Gudoomiye Xaafadeed Xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

Baydhabo Feb 28 2013 (SDN)—Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Baydhabo ku dilay mid kamid ah Guddoomiye xaafadeedka Magaaladaasi kadib markii hoygiisa lagu weeraray bam gacmeed.

Weerarka lagu qaarijiyay guddoomiye xaafadeedkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Isha ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu ka ahaa Guddoomiye xaafadeedka.

Guddoomiye xaafadeedka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Xuseen Aadan xilliga bamka lagu tuurayane wuxuu ku sugnaa gurigiisa iyadoo ay dhaawacmeen labo caruur ah oo uu dhalay.

Weerarka bamka kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Kooxihii ka dambeeyay dilka loo geestay Guddoomiye xaafadeedka Magaalada Baydhabo ayaa goobta ka baxsaday kuwaasi oo aan gacanta lagu dhigin.

Xilliyada qaar Baydhabo waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lala eegto dadka Dowladda ka tirsan ee Magaaladaasi ku sugan.

SDN-Baydhabo 

Comments are closed