Uncategorized

“Aniga waligay warwar baa iga hayey, taladuna waa halla maro sunihii aanu mari jirney ee madaxweyne Rayaale mari jirey”Gud. Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka Hadlay arimo ay kamid yihiin hannaanka  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u gashay Wada-hadalladii ay la lahayd Somalia iyo waliba xaaladda siyaasadeed eek a taagan Gobollada Galbeedka Somaliland.

faysal caliGuddoomiye Faysal oo la Hadlay BBC-da, ayaa sheegay in xukuumada looga Baahan yahay inay dhegaha u furto Talooyinka ka imanaya waxgaradka dalka si loo dhaafo xaaladda haatan lagu jiro.

Faysal oo ugu horrayn  ka Hadlay Arrinta Wada-hadallada labada dhinac dhawaan ku yeesheen Dalka Djibouti, ayaa sheegay inuu rajo fiican  ka qabo natiijada dambe ee wada-hadallada,

“waxaynu ka Hadlaynaa in talo la iskugu yimaaddo, aad baan usoo dhaweynayaa wadahadalladaas dadka ka biyo diidayna waxanu arkaa dad aan wanaag doonayn, waxana rajanaynaa inay horseedaan qaar kala tag horseeda.”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Faysal Cali Waraabe oo arrintaas ka hadlaya, ayaa xukuumadda usoo jeediyey in Bulshada loosoo bandhigo Nuxurka Wada-hadallada, taas oo uu tilmaamay xaq xukuumadda lagu leeyahay, waxana uu yidhi,

“Anigu xogogaal baan u ahay waxa lagu heshiiyey, laakiin waa in umadda iyo mucaaridka loo sheegaa waxa laga wada Hadlay iyo nuxurka xaqna waa loo leeyahay, waana habka dawladnimo, labada xaqiiqana teenaa dhab ah.”

Guddoomiye Faysal cali waraabe, waxa uu ka Hadlay arrimaha Doorashooyinka dalka sanadkan ka qorshaysnaa, waxana uu si cad u sheegay in loo baahan yahay in talo la iskugu yimaaddo, maadaama aanay doorasho xiligii loogu talo galay ku dhici Karin,

“aniga waligay warwar baa iga hayey raggii lahaa doorashadu Dib u dhici maysona maanta way arkaan, waayo waxba diyaar ma aha, markaa 2009-kii baynu ku noqonaynaa,  taladuna waa halla maro sunihii aanu mari jirney ee  madaxweyne Rayaale  mari jirey”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidoo kale ka Hadlay arrinta Gobolka Awdal ka taagan, waxana uu soo jeediyey in la dhaafo xoogga iyo cududa loo adeegsanayo arrimaha jira, waxana uu madaxweynaha u soo jeediyey inuu sii daayo xildhibaanada xidhxidhan, waxana uu yidhi,

“waxan leeyahay waxanu waa wixii ina soo maray,arrintanina waxay ina xasuusinaysaa arrintii UFFO.  dhallinyartuna waa in la qanciyaa, labada xildhibaanna xasaanad  bay leeyihiin, waa in lasoo dayaa oo madaxweynuhu u yeedhaa, aniguna waxan hayaa qorshe nabadeed oo lagaga bixi karo arrinta Gobollada Galbeedka.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com