Uncategorized

Ardaydii abid u badnayd oo maanta ka qalin jabisay kampala international university tirade ardayda oo ahayd 5,300 oo ay ku jiran arday badan oo reer Somaliland +sawiro cajiiba

(KampalaSDN) Waxa maanta lagu qabtay xafladii qalin jabinta ardayda jamacada kampala international university  oo ay qalinka ka jabiyeen arday lagu qiyaasay 5,300 iskugu jira wadamada kala ah ugandha,Kenya,sudan,Somaliland ,Somalia,ethopia ,gonga,Rwanda ,tansania, iyo dhamaan wadamada layku yidha east Africa .

Hadabo xafladan oo ahayd mid loo soo agaasimay si aad heer saraysa oo ay ka soo qayb galeen madax badan oo ka kala socota wadamada ugandha la jaarka ah , xaflad  oo ahayd mid aad uu mucjisa waxaanay ka dhacda barxada weyn ee jamacada weyn ee kampala international university hadabo xaflada sanadkan ayaa waxay ahyd mid ka duwan kuwi sanadii hore taas oo ay ka qalin jabiyeen arday badan oo rer Somaliland ah o kala diyaariyey master iyo digri waxaanay iskugu jiren inamo iyo hablo.

Xafladan ayaa hadii aan sawir guud idinka bixiyo waxay ahayd xaladan ay iskugu yimaaden shan kun iyo seddex boqol oo arday  iyado dhagaxa sare loo tuuro aanu ku dhacayn meel banan hadabo waxa intaa sii dheer iyado bilicda iyo midabada  ay sameynay ay ishu ka jeed sanayn ayaa waxa kale oo la xusi kara  waxay ahayd waxa dhanka ka socday ciyaaraha kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka ee  wadanka ugandha gaarka uu leeyahay  iyana waxa jirtay iyado ay shucuurta ardayda wajiyadooda ka muuqatay oo ahyd mid xaflada sii qurxinaysay.

Hadabo kale oo iyana gaar ahayd inay dalka Somaliland ay uu soo baxeen aqoon yahan badan oo reer Somaliland ah kala dhamaystay shahadooyinka kala duwan ee master iyo digri ,hadabo mar aanu wax ka weydiinay shacuurta ardayda reer Somaliland ayaa dhaman tood waxay iska daba mareen inay ku farax san yihiin dhamays tirka waxbarashadooda iyo iyago damac sana inay wadankooda dalkooda dadkooda iyi nafahooda wax weyn kaga badali doonan insh alaa.

Waxa kale oo iyana farxad gooniya ahayd iyado hablo badan oo dhamaystay waxbarshada masterta oo iyana aad wax loogu farxa hablo cadadkaas ah oo waxbarshadooda dhamaystay iayago dhanka kala walidiinta uu soo jeediyey in hablaha waxbarshada loogu dadaalo sida inamadaba loogu dadaalayo oo kale.

Hadabo xafladan ayaa waxay ahayd xaflada aad uu heer sarayso hadabo waxaad naga dhowrtaan waa qormooyin kale oo xiiso badan iyo sawiro dheeraada

Waxaanad kala socotaan shabakada SOMALIDIASPORANEWS

Wariye khadarbitijoor

Khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

Office ugandha /kampala