Hargeysa 17, November 2012 (SDN)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay 9 baabuur oo cusub oo ay ugu talogaleen inay ka hawlgalaan gobollada iyo degmooyinka dalka qaarkood.
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay munaasibad lagu qabtay xarunta qaybta Birmadka ee ciidanka Booliska, waxa uu sheegay in baabuurtan cusub ay ugu talogaleen inay ka hawlgalaan magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan gobollada Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.
Waxa uu sheegay in baabuurtan loogu talogalay inay ku hawlgalaan Booliska ka shaqeeya gobollada iyo magaalooyinka ka fog caasimadda dalka ee Hargeysa, gaar ahaan xilliga doorashada deegaanka oo hadda ay qaybsoomideeda ka hadhsan yihiin 11 maalmood oo keliya.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Boolisku ay kor u qaadeen, isla markaana aad u xoojiyeen feejignaantooda la xidhiidha adkaynta nabadgelyada xilligan oo lagu gudo jiro gebogebada diyaargarawga doorashada goleyaasha deegaanada Somaliland.
Cabdullaahi Fadal Iimaan waxa uu beeniyay warar ay warbaahinta qaarkeed faafisay oo la xidhiidha inay xidheen murashaxiin ka tirsan urur-siyaasadeedka Umadda, wuxuuna shabakadda wararka Internet ka ku booriyay inay hubsadaan wararka ay faafinayaan.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
