|

MSF oo shaqaalaheeda Ajenebiga Muqdisho ka saartay

Muqdisho Dec 31,2011(qurbejoog.com)-Dhakhaatiirta aan xadka laeheyn ee dhawaanta labada shaqaale ee ajaanibka ah looga dilay Muqdisho ayaa maanta Muqdisho ka saaray dhamaan shaqaalihii akjaanbubka ahaa ee caasimada ka hawlgalayay.

Shalay ayuunbey aheyd kolkii nin isna ka mid ahaa saqaalaha MSF uu cusbitaalkooda Muqdisho dil toogasho ah ku dilay laba ka mid ah shaqaalaha ajaanibka ahaa ee halakaa ka hawlgalayay.

Shaqaale u kala dhashay dalalka Brazil iyo Kenya ayaa loo daadgureeyay dhanka Nairobi.

Madaxa MSF ee Beljem Meinie Nicolai oo saxaafada la hadashay ayaa xaqiijisay in dilkii shalay aanu aheyn mid siyaasadeysan,balse ay ka fiirsanayaan hawlaha ay ka wadeen Muqdisho.

MSF ayaa xaqiijisay in labada Ruux ee shalay la dilay ay ahaayeen Dr Andrias Karel Keiluhu oo 44 jir ahaa iyo Nin reer Belgem ahaa oo la odhan jiray Philippe Havet oo kalkaaliye caafimaad ahaa.

Cusbitaalka MSF ee Muqdisho ayaa leh 130 sariirood,waxaana in dhawaale lagu quudiyay laguna daryeelay 15 kun oo ruux oo macaluuli heysay.

Cusbitaalka ayaa todobaad walba daweeya ilaa 100 ruux oo ay soo ritaan cuduro kala duwan.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed