Nairobi May 12,2012(SDN)-Siyaasadaha isku mutaxan ee Somaliland iyo Puntland u dhexxeya ayaa caqabad ku noqdey soo saarida shidaalka ceegaaga degaanada ay isku haystaan,sidaa waxa warbixin ku qoray barta Internatka ee Reuters
Geeska Africa ayaa waxa beryihii u danbeeyay ka socdey baaritaano lagu sahaminayo shidaal degaanadaa ceegaga.
“Sidan u dhig Somaliland iyo Puntland waxa ay jira degaano ay isku heystaan,taas oo qas ku keentay shidaal baarida.”sidaa waxa yidhi Cali Cabdullahi oo ah Agaasimaha Amsas heyad ka tala bixisa hawlaha shidaal baarida.
Shirkada African Oil oo Canada laga leeyahay ayaa dhawaan shidaal soo saarid ka bilaabay Dharoor.
Balse Khubarada shidaalka soo saaridiisa ku xeel dheer ayaa sheegaya in hadii halkaa shidaal laga soo saaro Dharoor in caqabad ay ka iman karto shirkada Eni oo sharci ku heysata aagaa.
Si kastaba ha ahaatee arintan Waxa ay caqabad ku noqon kartaa il dhaqaale oo Soomaalidu ku diirsato ugana soo kabato dib u dhaca nololeed ee mudo dul yiilay dadka Soomaaliyeed.
SDN-Nairobi
