|

ATMIS oo baxeysa dhamaadka sanada 2024ka

Kampala April 29, 2023(QJ) – Madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa todobaadkan kulan ay ku yeesheen dalka Uganda waxa ay isku raaceen in 2,000 oo askari oo ka bixi doona Soomaaliya bisha June iyo 3,000 oo kale ka dib.

War murtiyeed ay soo saareen madaxda ku shirsan magaalada Kampala ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in aan la qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa sidoo kale isku raacay in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay si tartiib tartiib ah dalka uga baxaan dhamaadka sanadka 2024-ka si ciidamada Soomaaliya ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in taageero dhaqaale iyo mid saadkaba la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxda ayaa bogaadiyay guulihii ay ciidamada xoogga dalka ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen kooxda Al-Shabaab, taasoo keentay in dib loogala wareego deegaannada ay maamulaan.

War-murtiyeedka dalkan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaanka siyaasadda iyo midnimada qaranka Soomaaliya.

Comments are closed