|

Deni oo dhaliilay siyaasada Xasan sheekh ee Laascaanood

Garoowe April 29, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inaysan qaadin tallaabo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Laascaanood ee ay colaaduhu ka taagan yihiin, halkaasoo afartii bilood ee la soo dhaafay ciidamada Somaliland ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Garoowe ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in aysan waxba qaban, isla markaana ay ka gaabisay in ay garab istaagto shacabka Laascaanood oo lagu soo duulay.

Sidoo kale, waxa uu xusay magacaabista Ergayga gaarka ah ee dawladda Faderaalka u qaabilsan Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay dawladda Faderaalka, ay tahay mid uu ku doonayo inuu ku qanciyo Somaliland oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay reer Sool.

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xili ciidamada maamulka Somaliland ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo dhibaato baaxad leh ay kasoo gaartay dadka shacabka ah. Somaliland ayaa lagu eedeeyaa in ay duqaymo ku hayso dad rayid ah oo ku yaalla Laascaanood, taas oo sababtay barakaca dadka deegaanka.

Comments are closed