admin

SONYO Oo Dhallinyaro Qaranjoog Iyo Qurbe Joog Ah Isugu Keentay Dood Cilmiyeedka Horumarinta Dalka

Hargeysa,14,7,2016 (QJ/SDN) – Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa shalay kulan ballaadhan Caasimadda Hargeysa ugu qabatay boqollaal dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah, kulankaasi oo ujeedadiisu daarnayd is dhex galka iyo wax wada qabsiga dhallinyarada reer Somaliland ee Qaran Joogga ah iyo kuwa Qurbo Joogga ah, kulankaasi oo ahaa dood cilmiyeed iyo su’aalo la…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Kedis Ah Ku Tagaya Itoobiya Iyo Turkiga

Hargeysa,14,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe socdaal ugu ambobaxo dalalka Itoobiya iyo Turkiga. Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka madaxweynaha, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne…

Read More

SAWIRRO: Munaasibad Lagu Soo Bandhigaayay Naqshadda Waddada Madaarka Oo Xalay Magaalada Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa,14,7,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagu soo bandhigaayay qaabka ay noqon doonto waddada wayn ee madaarka ka timaada ee magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Hotel Sky ee magaalada Hargeysa. Kulankan ayaa waxa kasoo qayb-galay aqoonyahanno, culimo aw-diin, salaadiin, wax-garad iyo xubno ka tirsan guddida Sahan-barwaaqo. Ugu horreyn waxa kulankaasi daah-furay guddoomiye ku xigeenka…

Read More

Dhageysiga Dacwadda Sheekh Aadan-Sunne Oo Maanta Ka Bilaabmatay Maxkmadda Hargeysa

Hargeysa,13,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada gobolka Maroodi-Jeex ee Hargeysa ayaa saaka si toosa u bilowday dhageysiga dacwada Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Aadan-Sune], oo ka mida culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa. Dacwada Sheekh Aadan Sunne ayaa imaanaysa xilli uu bilihii ugu danbeeyay ku xidhnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxaana sheekha soo xidhay oo u soo dhaadhiciyay…

Read More

Madaxtooyada Oo Ka Jawaabtay In Muddo Kordhin Loo Samaynayo Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa,13,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey wararka sheegaya in Madaxtooyadu waddo muddo kordhin dambe oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici. Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo Wargeyska Geeska Afrika arintan ka wareystay ayaa sheegay inaanu jirin qorshe ay madaxtooyadu ku doonayso in muddo kordhin labaad…

Read More

Kenya Oo Xidhay 368 Wershadaha Biyaha Sifeeya Ah Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo Kuwa Somaliland

Nairobi,13,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Kenya ayaa xidhay in ka badan 368 wershadood oo ah wershadaha safeeya biyaha caagadaha ku jira ee dalkaas laga isticmaalo, ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudaha laga rabo tayada biyaha dhammaystiran. Hay’adda dawladda Kenya u qaabilsan tayada ayaa xidhay wershadahan ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay tayada biyaha ay soo…

Read More

Maxaad Ka Taqaanaa Ra’isalwasaaraha Cusub Ee Ingiriiska?

Lodon,13,7,2016 (QJ/SDN) – Dalka Ingiriiska  ayaa guda galay maalmo kale oo si lama filaan ah ay siyaasaddu isu badashay kadib markii isniintii ay loolanka xisbiga conservative-ka ee talada haya ay ka hadhay  Andrea Leadsom, wasiirka tamarta Britain. Arrintan ayaa horseeday in Theresa May oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ku guulaysato qabashada xilka Ra’iisul Wasaaranimo…

Read More

JOHN DRYSDALE: Askari Ku Muslimay Dalkii Loo Keenay Gumeysiga

John Drysdale waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee Somaliland  la  keenay sannadkii 1943-kii laba sano ka  hor  dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ujeeddadii Ciidankaasi ahayd in  Maxmiyaddii  Somaliland ay ka difaacaan Ciidammadii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya ku sugnaa isla-markaana duulaanka ku qabsaday  dhul badan  oo Geeska Afrika  ku yaalla, kuwaas oo ay…

Read More

DHAGEYSO: Hoggaamiyaha Xarakada Al-Shabaab Oo Farriintiisii Ugu Horreysay Ee Maqal Ah Soo Diray

Muqdisho,13,7,2016 (QJ/SDN) – Mu’asasadda Al-Kataa’ib garabka warbaahineed ee xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahisay Farriin Maqal ah oo uu soo diray Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abu Cubeyda. Fariintan oo cinwaankeedu yahay “Shahaada ama Shariicah” ayaa ah fariin Muuqaal ahaan loo baahiyey balse cod ah, waxaana ay soconaysa 44 daqiiqo, waxaana uu…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Ka Hadlay Mawqifkooda Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa,12,7,2016 (QJ/SDN) – Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa ka hadlay mawqifkooda ku waajihan qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee loo qoondeeyay in ay Somaliland ka dhacaan dabayaaqada sannadkan. Qoraal xisbigu soo saaray ayaa u dhignaa sidan; War-saxaafadeed Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo mar walba xil wayn iska saaraya gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee…

Read More

Raysul wasaare kuxigeenka dalka oo magaalada Kismaayo kulamo kula leh madaxda Jubaland

Kismaayo ,11,7,2016(QJ/SDN) – Wafdi uu hogaaminayo raysul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Max’ed Cumar Carte oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magalada Kismaayo ayaa kulamo la leh madaxda ugu sareeysa ee Jubaland, ayagoo ka wada hadlaya arimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadkan. Raysul wasaare kuxigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya taliyaha nabadsugidda…

Read More

Al-Shabaab Oo La Wareegtay Magaalada Marka Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Marka ,11,7,2016(QJ/SDN) – Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia, ayaa isaga baxay Maanta degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay isla markiiba la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab. Saraakiisha Ciidanka DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaan weli arrintaan ka hadlin, laakiin Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, C/fataax C/fataax Ibraahim [Geesey] ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay ka…

Read More

SAWIRRO: Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho,11,7,2016 (QJ/SDN) – Waxaa maanta Barxada masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho lagu qabtay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday laguna canbaareenayay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay meel ku dhaw MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF ee kuyaala magaalada Madiina. Banaan baxan waxaa soo abaabulay Hay’ada Culumada Soomaaliyeed waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan Dowlada…

Read More

FAAHFAAHIN: Weerarkii Al-shabaab ee saldhiga LAANTA-BUURO iyo Khasaarihii ka Dhashay

Muqdisho,11,7,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan 15-qof oo intooda badan ay yihiin askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somalia ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ciidanka DF Somalia iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray xalay saldhigga Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose oo 50-km u jirta Muqdisho. Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo ay Al-shabaab xalay saqdii…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay Guddi doorasho oo Heer Maamul Goboleed ah

Kismaayo,11,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) ayaa magacaabay Guddiga doorashada Jubbaland, kuwaasoo Maamuli doona Doorashada Xubnaha labada Aqal Baarlamaan ee Soomaaliya oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose. Axmed Madoobe, wareegtada magacaabidda ku sheegay in xubnahaan uu magacaabay, kaddib markii uu wada-tashiyo la yeeshay ku-xigeennadiisa iyo odayaasha dhaqanka…

Read More