admin

DAAWO: Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Dhex Maray Ciidanka Somaliland iyo Puntland

Hargeysa (QJ/SDN) – Axmed Muumin Seed, guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag, isagoo guddoomiyuhu sheegay in Puntland ay daandaansi waddo isla markaana ay ka xisbi ahaan garab taaganyihiin ciidanka qalabka sida…

Read More

DAAWO: Xaaska Donald Trump oo isticmaashay khudbaddii Micheal Obama ee 2008

Washington,20,7,2016 (QJ/SDN) – Xaaska musharaxa madaxweynenimada dalka Mareykanka ee Xisbiga  Jamhuuriga ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa xaaskiisa Melania Trump oo dabcan iyadu  noqoneysa marwada koowaad ee dalka Mareykanka  haddii odaygeeda doorashada  ku guuleysto ayaa fagaare ku ceebowday kaddib markii ay jeedisay khudbad ay horay u jeedisay  marwada koowaad ee Mareykanka Mechelle Obama. Melania ayaa…

Read More

SAWIRRO: Dowladda Masar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Hub iyo Gaadiid dagaal

Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Masar ayaa maanta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid iyo Sahnad Ciidan oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab. Danjiraha dowladda Masar u fidhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa munaasabadda ka sheegay in saanadda Ciidan ay isugu jirto Gaadiid Ciidan, Gaadiidka Gurmadka degdegga…

Read More

Caleemo-saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Galaal

Hargeysa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Waxa labadiii biloood ee udanbeeyay socotaay  qabanqaabada Caleemasaarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Galaal taaasi oo si xoogan  loogadareemayay gobalda dalka gudihiisa iyo Dabadiisa , Siiba Gobalada Marooodijeex,Oodwayne iyo Togheer, Caleema saarka Suldaaan Sakariye suldaan Maxamed Galaal Waxa uu si Rasmiya uga qabsoomayaa Maalinta Arabacada 20. July.2016 Magaaada QOTAN ee Dhecda…

Read More

SAWIRRO: Nolosha Qaxootiga Yemeniyiinta ah Ee Kunool Somaliland

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Kadib dagaalkii dhex maray xulufada Sacuudiga iyo fallaagada Yemen ee Xuutiyiinta qaxooti badan oo reer Yemen ah ayaa usoo cararay dalka Soomaaliya iyo jamhuuriyada Somaliland. Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen dirirtaa awgeed ayay qaxootigaa Yemeniyiinta ahi la yimaadeen gaar ahaan Bossaso iyo Berbera. In badan ayaa usoo gudbay Xamar…

Read More

Xaasaska Madaxweyneyaasha Dalalka Afrika oo Wacad Kumaray inay Waxka Qaban Doonaan AIDS-ka

Kigali,19,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo uu haatan ka socdo shir caalami ah magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika kaasoo looga hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa cudurka AIDS ayaa xaasaska madaxweyneyaasha dalalka Afrika waxay wacad ku mareen inay wax ka qabtaan cudurkaa dilaaga ah. Cudurka AIDS-ka ayaa waxaa dhaliya dullinka HIV kaasoo ah feyras aan daawo…

Read More

Xisbiga Jamhuriga ee Mareykanka oo Shaaciyay in Trump uu yahay Murashaxooda Doorashada

Washington,19,7,2016 (QJ/SDN) – Munaasabad ballaaran oo wufuud kala duwan ay ka qayb-galeen oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka OHIO ee dalka Mareykanka ayaa lagu Caleemo-saaray Donald Trump. Xisbiga Jamhuuriga ee Waddanka Mareykanka ayaa kulanka ku caleemmo-saaray Donald Trump inuu noqdo Murashaxooda ku meteleyo Doorashada Madaxweynaha ee Dalka Mareykanka ka dhici doonta Bisha November…

Read More

HARGEYSA: Qiimaha Raashinka Dalka oo Kor u kacay iyo Isticmaalkiisa soo kordhay

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Raashinka Wadaniga loo yaqaan ee ka soo baxa Beeraha Waddanka gudihiisa, ayaa isticmaalkoodu muddooyinkan dambe sare u kacay,isla markaana Habeenkii inta badan dadku cashadda ka dhigtaan cunto wadani. Suuqyadda lagu iibiyo Raashin wadaniga ee Beeraheenna laga soo saaro, ayaa kor uga kacay qiimaha awal hora la kala siisan jiray, iyadoo ay saameyn…

Read More

Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku Laayay Deegaanka Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Bay

Muqdisho,19,7,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan 14-ruux oo Shacab ah ayaa la dilay, Saddex kalena way dhaawacmeen, kaddib iska-hor-imaad oo dulleedka Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay oo Qiyaastii 30-km galbeed kaga beegan Degmada Baydhabo ku Dhex-maray ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab. Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bay ayaa dilkan ku eedeeyay…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Mawqif Cad Ka Istaagtay Nile Academy, Kana Leexatay Go’aankii Dawlada Somaliya

Hareysa, 19,7,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay dalka ka saari doonin hay’adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada Hargeysa, taas oo ay dawladda Somaliya amartay in dalkeeda laga saaro, ka dib markii ay sheegtay in Mr. Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii Turkigu uu madax u yahay hay’addan. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland…

Read More

Madaxweynaha Kililka Shanaad Iyo Odayaasha Gaashaamo Oo Kulan Muhiim Ah Yeeshay

Jigjga ,19,7,2016(QJ/SDN) – Waxa magaalada Jigjiga markii u horaysay kulan muhiim ah ku yeeshay madaxweynaha dawladda deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda degmada Gaashaamo, gaar ahaan degaanka  Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu Boolisku dad badan ku laayeen Kulanka oo Axadii doraad ku qabsoomay xafiiska madaxweynaha dawlad deegaanka…

Read More

Mareykanka: 3 Boolis ah oo la Dilay

Washington (QJ/SDN) – Nin hubeysnaa ayaa dilay ilaa  3 askari oo boolis ah magaalada Baton Rouge halka uu dhaawacay 4 kale oo midkood uu garaabato yahay. Halkaa nin ayaa la xaqiijiyay inuu weerarkaa uu fuliyay asagoo la sheegay inuu ka careysnaa nin halkaa lagu dilay oo madoobaa. Ninkaa ayaa waxaa dilay booliska magaaladaa horaantii bishaan…

Read More

Maraykanka: Turkigu Yaanu Nagu Eedayn Af-gembiga

Washington,17,7,2016 (QJ/SDN) – Maraykanka ayaa uga digay dawladda Turkiga in afgambigii dhicisoobay ay ku eedeeyaan hay’addaha dawladda Maraykanka, wuxuu sheegay in sheegashadaasi ay tahay “been cad oo dhaawici karta” calaaqaadkooda”. Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa hadalkaasi jeediyay kaddib markii wasiirka shaqaalaha ee dalka Turkigu uu tilmaamay in Maraykanku ay ka dambeeyeen…

Read More

CAYDIID: “Talo La’aan Buu Maanta Dalku Ku Sugan Yahay, Waxa La Is Weydiinaya Ciddii Taladda Dalka Loo Dhiibtay Meeday”

Hargeysa,17,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid, ayaa si adag uga hadlay aragtidiisa ku waajahan muddo kordhinta Xukuumadda ee la hadal hayo, qabsoomida Doorashooyinka iyo saami qaybsiga, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu waajibkeedii iyo doorkii ay ku lahayd saami qaybsiga ay gabtay. Afhayeenka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika…

Read More

Dowladda Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Saaraysa Hay’adda Turkish Nile Academy

Muqdisho,17,7,2016 (QJ/SDN) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa ay si xoogleh u canbaareeyeen Afganbigii dhicisoobay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaadheen dalka iyo dadka Turkiya. Dawladda Federaalka Soomaaliya…

Read More