Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dowladda Somaliland Ku Eedeeyay Musuq-maasuq Dhanka Deeqaha Waxbarashada Ah
Hargeysa,5Dec,2015(QJ/SDN)-Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa dowladda Somaliland ku eedeeyay inay musuq-maasuqday deeqo waxbarasho oo ay ardayda reer Somaliland ugu soo dhiibeen. Mudane Carte Qaalib ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ay caalamka ka hesho ay si toos ah Somaliland saamigeeda u siiyaan iyagoo usoo mariya wasaaradda Waxbarashada…
