admin

    “Hadii Beryahan Dambe Suuqa La Mar Marinaayey Ninkii Soo Baxa Ayuumbaan Ku Xigayaa, Waxba Ka Ma Jiraan Oo Sidii La Sheegay Ayey Murashaxiinta Qaranku Xor Ugu Yihiin In La Tartamo “ Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal

    Hargaysa 14.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegasho aan jirin ku tilmaamay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo hore u shaaciyey in uu Murashax kasta oo Jagadda Madaxweynaha Xisbiga Kullmiye u istaaga uu isagu kaligii ku xigeen u yahay, waxaanu tilmaamay inay u furan nin kasta oo hunguri kaga jiro…

    Read More

      Midowga Yurub oo Xaqiijiyey inay Dawladda Itoobiya Kula Jiraan Wadahadal la Xidhiidha Dhismaha Jidka Berbera

      Hargeysa,13Oct,2015(QJ/SDN)-Ururka Midowga Yurub, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inay dawladda Itoobiya kula jiraan wadahadal la xidhiidha dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Awash ee gudaha dalka Itoobiya iyo Tog Wajaale oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taasoo qayb ka ah mashruuca isku xidhka dekedda Berebra iyo waddanka Itoobiya (Berbera Corridor). Xoghayaha labaad…

      Read More

        AKHRISO: Qodobadii laga soo saaray shirkii lagu Xallinnayay Mooshinka Ka Dhanka Ahaa Madaxweynaha Soomaaliya

        Muqdisho,13Oct,2015(QJ/SDN)-Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii looga hadlayay xallinta qodobbada mooshinkii ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ka keeneen madaxweynaha Somalia, iyadoo laga soo saaray warbixin ka kooban 10-bog oo la sheegay inay yihiin kuwii lagu xalliyay mooshinka madaxweynaha laga keenay. Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in ergayga khiyaamo Qaran oo ay sheegeen inuu si…

        Read More

          Magaalada Laascaanood Oo Horumar Ka Sameynaysa Adeegyada Dhanka Caafimaadka.

          Laascaanood,13Oct,2015(QJ/SDN)-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sannadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanaya xarumaha caafimaad ee bulshada kaalmada caafimaad u baahan loogu adeegayo. Goobaha shantii sannadood ee lasoo dhaafay laga yagleelay magaalada ayaa waxaa ka mid ah, MANHAL Hospital ,Al-Hayat Clinical, Muna Labatory iyo afar  MCH oo Xukuumadda Somaliland Dhistay Oo u adeega hooyada iyo…

          Read More

            Ciidamada AMISOM Oo Ilaalo Ka Haya Diyaaraddii Xalay Ku Dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho – Sawirro.

            Muqdisho,13Oct,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka hawlgala Somalia ayaa ilaallo xooggan ka haya diyaaradii xalay sida lama filaanka ahayd ugu dhacday deegaanka Carbiska oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Diyaarada ayaa waxaa burbur xooggan uu kasoo gaadhay qaybta hoose iyo weliba baalasha diyaaradda, iyadoo ciidanka AMISOM ay ku sugan yihiin halka…

            Read More

              Ciyaarihii Gobollada Somaliland ee ka socday Boorama oo loo bedelay in Gallinka hore la Ciyaaro

              Hargeysa,13Oct,2015(QJ/SDN)-Tartankii is reeb-reebka ciyaarihii gobollada Somaliland qaybtiisii ka socotay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal ayaa saaka ka bilaabantay magaalada kaddib markii shalay loo baajiyey rabashaddo ka dhacay Boorama. Sida caadada ahayd galinka dambe ayaa tartanka goboladda la qaban jiray balse rabshaddo ku soo badanaya xaga dadweynaha ayaa loo bedelay galinkii hore maanta, iyadoo ciyaartii shalay…

              Read More

                ”Wabar Anigu Maanta U Nisbayn Maayo Dhibaatada Gobolka Awdal Ka Taagan…” Gudoomiyaha Guurtida.

                Hargeysa,13Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xaaladda gobolka awdal oo maalmihii ugu danbeeyay kacsaneed.  Isagoo gudoomiye saleebaan iska indho tiray xaaladda gobolka awdal kana gaabsaday in ay guurti u dirayaan suldaan wabar iyo gobolkaasba. Gudoomiyaha oo mar uu kasoo baxay aqalka golaha guurtida ay warbaahintu su’aalo ku gantay…

                Read More

                  Wasiir Xagla-Toosiye Oo La Filayo In Uu Ku Dhawaaqo Murashaxnimada Xilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Kulmiye Iyo Saadaasha Dhawaqiisu ku Yeelan doono Saaxada Siyaasadda Kulmiye

                  Hargeysa,13Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa u sharaxan xilka madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye oo hadda socdo laalankiisa musharaxnimo,isagoo ku dhawaaqi doona marka uu ka soo laabto safar uu ugu baxay dalka Ingriiska oo uu ku wehelinayo Madaxwaynaha Somaliland. Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa la sheegayaa inuuu olole xoogle uga bilaami doono…

                  Read More

                    Saddex Ruux Oo Ku Dhimatay Weeraro Ka Dhacay Quddus.

                    Quddus,13Oct,2015(QJ/SDN)-Sadex Israa’iiliyiin ah ayaa middi lagu dilay, iyadoo dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay qaybo kala duwan oo Isreal ah. Waxay qayb ka yihiin dooxid iyo toogashooyin isdaba joog ah oo halkaas ka dhacayay. Laba hubaysan ayaa rasaas ku furay bas oo kadibna middi la dhexgalay rakaabka saaraan baska oo marayay bariga Quddus. Laba qof…

                    Read More

                      QurbaJoog: Qayr Mise Qasaaro?

                                        Qaybtii Koowaad: Dalalk dunida seddaxaad oo ah kuwo dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba liita, ayaa waxaa ka haajira oo ka hayaama dad aad u fara badan, dadkaas oo raadinaya nolol ka wacan tan ay dadlalkooda ku haystaan. Soomaaliya billowgii dagaalladii sokeeyey kadib dad badan ayaa aad…

                      Read More

                        Siyaasiga Aynu U Baahanahay Waa Siyaasiga Afyaqaana Dowladaha Jaarka Se Aqoonta Harvard iyo Nolosha Findland Maaha!!!

                        Ku dhawaad 25 sanno oo aynu soo jirnay waxa isku keen badalay tiraba ilaa afar madaxweyne. Afartaasi madaxweyne dalka waxa ay soo mariyeen marxalado iyo hanaano kala duwan oo aad u kala adkaa misena u kala duruufo badnaa. Madaxweynayaashaasi dhamaantood waxay ku suntanaayeen horumar iyo ku dadaalida sii waaritaanka waddanakani. Qaar waxay u tafo xayteen…

                        Read More

                          Diyaaradd Xamuul Ah Oo Ku Dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho.

                          Muqdisho,12Oct,2015(QJ/SDN)-Diyaaraddii xamuulka ahayd ee fiidnimadii caawa ku dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegayaa in sababta ay u dhacday ay ahayd mid la xidhiidha shidaal la’aan. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa raasihn u wadday ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia, iyadoo kasoo duushay dalka Masar, waxaana…

                          Read More

                            War Deg-Deg Ah: Hal Qof Oo Shicib Ah Ayaa Ku Geeriyooday Garoonka Ciyaaraha Ee Magaalada Boorama

                            Boorama,110ct,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa wax ay sheegayaan in hal qof ku geeriyooday  garoonka ciyaaraha ee Xaaji Daahir stadium, qofkan ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa da’adiis lagu qiyaasay 18 jir. Wiilkan yar   ayaa isagu ka mid ahaa dhalinyaro daawanaysay ciyaar dhex maraysay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal wiilkan yar…

                            Read More

                              Wiil Uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Uganda Oo Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

                              Muqdisho,11Oct,2015(QJ/SDN)-Warbixin ciwaan looga dhigay ‘I am my Father’s son’ oo lagu daabacay wargeyska saddex biloodlaha ah ee AMISOM ayaa lagu xusay in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada uu ka tirsan yahay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Maxamed Amin oo 41-jir ah ayaa ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda…

                              Read More