admin

    Sawir War Ah: Sheekh Shariif Iyo Madaxweyne Gaas Oo Abu-Dhabi Ku Kulmay

    Abu-Dhabi:20,June,2014(SDN/QJ)- Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Habeenkii Xalay ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu Gaas booqasho Maalmahaba ku joogay.   Kullanka ayaa yimid kadib markii Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay guri uu ka degan yahay Abu-Dhabi ku…

    Read More

      Maraykanka Oo Sheegay Inay Khubaro Dhinaca Milatariga Iyo Sirdoonka Ah U Diarayaan Dalka Ciraaq Oo Haatan Galay Xiisad Colaadeed

      Washington:20,June,2014(SDN/QJ)- Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobayo in uu qaado howl gal milateri oo cad oo ay ka geysanayaan gudaha waddanka Ciraaq haddii loo baahdo, hasayeeshee waxa uu dib u sharciyeeyay in ciidammada Mareykanka aanay dib ugu laabanayn dalkaa si ay u qaadaan dagaal. Mr Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu…

      Read More

        Dawladda Somaliya Oo Si Rasmi Ah Daboolka Uga Qaaday Inay Lasoo Wareegtay Hawadii Somaliya Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Wali Wax Hadal Ah Laga Hayn

        Muqdisho:20,June,2014(SDN/QJ)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo muddo ku dhow 25-sanno. Wasiirka gaadidka iyo hawada sare ee xukuumadda Soomaaliya Saciid Qorsheel oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in…

        Read More

          20 June: Maalinta Qaxoontiga Caalamka Iyo Hadalka Haay’ada Qaramada Midoobay U Qaabilsan Qaxoontiga Ee UNHCR

          Hargaysa:20,June,2014(SDN/QJ)-Iyada oo Maanta Laga Xusayo Guud ahaanba Caalamka 20 June,oo ah Maalinta  Qaxoontiga Aduunka,ayaa Haay’ada Caalamka u qaabilsan Qaxoontigu waxay sheegay in Dagaaladda  Aduunka ka soconaya ay sanadkan oo kaliya ay ku barkeceen dad gaadhay 50 Milyan oo Qof,oo ah tiradii ugu badnayd,uguna saraysay tan iyo waxii ka danbeeyay Dagaal Weynihii  Labaad ee Dunida. Waxa…

          Read More

            Ciidamo Aad U Tiro Badan Oo Loo Tababaray Dawladda Somaliya Iyo Duruufaha Hor-yaala Ee Dalka Ka Taagan

             Muqdisho:19,June,2014 (SDN/QJ)-. 360 askari oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxaa tababar loogu soo xidhay Xerada Militariga ee Jaziira, oo ku taala duleedka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Tababarkan oo muddo 3 bilood ka soconaayay Xerada Jaziira, ayaa waxaa gacan ka geystay Saraakiil ka socoto Ururka Midowga Yurub, oo Dowladda Somaliya ka caawinaaya…

            Read More

              Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.8aad

              Taxanahan oo halkiisii inooga socon doona maanta waxa aan akhristayaasha qormadan ugu soo bandhigi doonaa dhawr ka mid ah dacwadaha la yaabka igu riday ee aan goob joog ka ahaa,kuna sameeyay daba-gal ilaa aan ka ogaaday musuqa ku gadaa-naa iyo halka ay ka soo bilaab-maan.Waa silsilad isku xidhan oo cadaw u ah cadaalada,waa barta qalooca…

              Read More

                Dawladda Somaliya Oo Maanta Ka Mid Noqotay Dalalka Ku Jira Ururka Africa, Caribbean and Pacific(ACP) Iyo Midawga Yurub Oo Maanta Somaliya Lacag Gaadhaysa 400 Milyan Ugu Yaboohay

                Nairobi:19,June,2014 (SDN/QJ)-. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Nairobi ku saxiixday kamid noqoshada dawladdaha ku bohoobay Africa, Caribbean and Pacific iyadoo Midowga Yurub uu qayb firfircoon uga jiro kaalmada dalalka (ACP) oo kulankoodii 99-aad maanta lagusoo gaba gabeeyay xarunta KICC ee magaaladda Nairobi iyadoo ay kulankan goob joog ka ahaayeen inta badan xubnaha ACP iyo Midawga…

                Read More

                  M/weynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Ku/x Chris Allen Iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Ka Hadlay

                  Hargaysa:19,June,2014 (SDN/QJ)-. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirku xigeenka dawladda Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Ethopia Mr. Chris Allen. Kulankan oo ay kaga wada hadleen labada dhinac Arrimo dhawra oo ay ka mid tahay Xaalada Taleex. Wasiirka Arimaha Dibada oo kulanka ka dib Saxaafadda La hadlay,ayaa sheegay in…

                  Read More

                    Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Ku Sii Jeeda Marka Iyo Kulamo La Filayo Inuu La Qaato Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka beelihii ku wada dagaalamay Magaalada Marka.

                    Marka:19,June,2014 (SDN/QJ)-. Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Maanta Oo Khamiis ah waxa uu ku sii jeedaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Magaalada Marka waxaa tan iyo Sabtidii ku sugan wefdi uu horkacaayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ku Simaha Wasiirka Amniga Qaranka ee Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo…

                    Read More

                      Maxakamadda Gobolka Hargays Oo Maanta Mar Kale Dib U Dhigtay Dhegaysiga Dacwada Masuuliyiinta Haatuf Iyo Xisbiyada Mucaaradka Ah Iyo Sollja Oo Duray Hanaanka Dacwada

                      Hargeysa:19,June,2014 (SDN/QJ)- Waxa maanta mar kale dib loo dhigay Dacwadii loo Haystay  Masuulinyiinta Wargesyka Madax-banaan ee Haatuf,oo dib loogu riixay ilaa 24 bishan,oo ku began Maalinta Salaasada ah ee Soo socota. Dhagaysiga Maxakamadda ee Maanta oo Ay Warbaahintu dibad jog ka ahayd ayaa markii ay soo idlaatay waxa si wada-jir ah Saxaafadda ula hadlay Musharaxa…

                      Read More

                        “Fashilada Siyaasada Dibada Ee Somaliland, Waxa Ay Keentay Inay Wadamada Ugu Awooda Badan Adduunku Hoos Inoo Soo Eegaan, Oo Ina Dhaliilaan” – Muj: Xasan Guure

                        Hargeysa:19,June,2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga  Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland, isaga oo ku eedayey inay Xukuumaddani fashilaad ka soo gaadhay Siyaasada Arimaha Dibada, taas oo uu tilmaamay inay keentay daciifnimo iyo Siyaasad xumo ay Xukuumaddani sameeysay, waxaanu sheegay in Siyaasada xumadani keentay in Wadamada Adduunka ugu awooda badani ay hoos…

                        Read More

                          Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Maanta Hor Tagtay Gudiga Deegaanka Iyo Khayraadka Ee Golaha Wakiiladda

                          Hargeysa:18,June,2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga,ayaa maanta hortagtay Gudiga Arimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiiladda Jamuuriyda Somaliland. Wasiirka oo kulanka ka dib la hadashay Warbaahinta ayaa ka Warbixisay Ujeedada kulanka Maanta.waxaana ay Wasiirku sheegtay inay Maanta Halkan ku timid balan ay wada laghaayeen Gudiga oo Xidhiidh dhawi ka dhaaxeeyo,iyada oo…

                          Read More

                            Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Goor Dhawayd U Duulay Magaaladda Nairobi,Xili Ay Halkaasi Ka Dhacayaan Weeraro Lagu Hoobtay

                            Muqdisho:17,June,2014(SDN/QJ)- R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw waxa ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ,iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya hogaaminayay ee ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde waxaa sii sagootiyay R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ,xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar…

                            Read More

                              Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Dahir Saciid (Saacid) Oo Gaadhay Roma,Lana Kulmay Dhigiisa Talyaaniga

                              Roma:17,June,2014(SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Dhigiisa Dalka Talyaaniga iyo saraakiil kale oo ciidan. Jen.Saacid ayaa casuumad rasmi ah waxa uu ka helay dhigiisa Dalka Talyaaniga Alessandro Pansa , waxaana kulamo ay wada qaateen labada Taliye kaga wada hadleen xidhiidhka…

                              Read More

                                Al-Shabaab Oo Weerarkii Labaad Oo Lagu Hoobtay Ku Qaaday Dalka Kenya Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay

                                Nairobi:17,June,2014(SDN/QJ)- Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qaadeen weerar labaad oo ka dhacay xeebta dalka kenya oo ay ku dhinteen 15 ruux. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay dhowr tuulo weerar ku qaadeen habeenkii xalay. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in khadkii telefoonka la damiyay weerarka ka hor. Weerarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii…

                                Read More

                                  Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.7aad

                                  Dadwaynahu haduu cadaalad waayo,cabudhin iyo caga-juglayn lagula dhaqmo waxa ku xigaa waa kacdoon shacab.Xeerarka iyo shuruucda dalka u taala hadii garsoorku baal maro oo la dhawri waayo xuquuqda muwaadinka waxa ka dhasha dhagax-tuur u dhaqan ah shacab JSL. Xeerar tiro badan ayaa la ansixiyay tan intii dalkani la soo noqday madax-banaanida.Qayb saamayn ku leh hab-socodka…

                                  Read More

                                    Rasaas Uu Furay Askari Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Sababay Dhaawaca Afar Qof Iyo Taliyaha Guud Ee Booliska Oo Ka Hadlay

                                    Hargeysa:17,June,2014(SDN/QJ)- Afar qof oo laba rayid yihiin ayaa ku dhaawacmay,ka dib markii mid ka mid Ciidamadda Boolisku uu ku furay Rasaas Badhtamaha Magaaladda Hargaysa. Dadkii dhaawacu soo gaadhay ayaa loola cararay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa,iyada oo halkaas lagula tacaalayo Xaaladda Caafimaad. Taliyaha Guud ee Ciidamadda Somaliland Sareeye Guuto: Cabdilaahi Fadal Iman,oo Warbaahinta kula hadlayay…

                                    Read More

                                      Danjire Cawil Cali Ducale Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Ka Soo Yeedhay Dawladaha Reer Galbeedka Iyo Luuqada Diblomaasiyadeed Ee Uu Kula Hadlay

                                      Hargeysa:17,June,2014(SDN/QJ)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo wasiirka maaliyadda ka noqday xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay dhambaalkii ay Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub soo saareen toddobaadkan ee ay dawladda Somalialnd ugu baaqeen inay ciidamadeeda kala baxdo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland. Danjire Cawil, oo waraysi gaar ah siiyay shalay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu…

                                      Read More

                                        “Ninkii Shabaabnimo lagu helo hadal la’aan waala tooganayaa” Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Somliya

                                        Muqdisho:16,June,2014(SDN/QJ)-  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa wuxuu sheegay inay go’aan adag ka qaateen ragga ka midka ah Ururka Al Shabaab. Gudoomiyaha wuxuu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan nin kasta oo ka mid noqdo Ururka Al Shabaab, iyadoo uu meesha ka saaray wax la yidhaahdo masuq…

                                        Read More