admin

    Salaad Roob doon ah oo maanta looga dareeray Magaaladda Gaalkacayo

    01,May,2014(SDN/QJ)- iyada oo ilaa hadda wararku sheegayaan in aan Raxmaadkii Eebe wali ka di’in Qeybo badan oo ka mid ah Badhtamaha iyo Koonfurta Somaliya,ayaa Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacday Roobdoon Balaaran oo Boqolaal Dadka Reer Gaalkacyo ah ay isugu soo Baxeen. Labo Meelood oo waaweyn ayaa Roobdoonta Ilaahay looga Baryayay ay…

    Read More

      Madaxwene Ku-Xigeenka Somaliland oo Maanta ka Qeyb galay Kulan Qaddo Sharaf oo Hogaanka Cusub ee Kulmiye u Sameeyay Maayarka Hargaysa

      1,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne ku Xigeenka JSL,Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),maanta ka qeyb galay Kulan Qado sharax ahaa oo Maayarka Magaaladda Hargaysa u Sameeyay Hogaankii Dhawaan la sheegay in mar labaad loo doortay Hogaanka Xisbiga Taladda Somaliland haya ee Kulmiye. Kulanka oo ay kazoo Qeyb galeen badi Hogaanka haatan Gadhwadeenka ka ah Xisbiga Kulmiye,ayaa waxa hadal kooban Madasha ka…

      Read More

        Madaxweynha Somalia oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqisho,kana hadlay Xaallada Dalka iyo Higsiga Xukuumadiisa

        1,May,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoona ka hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horeyn madaxweynaha wuxuu hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, maadama maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalah adduunka. Madaxweynaha wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo diplomaasiyiinta Soomaalida ee Kenya ku sugan. Wuxuu…

        Read More

          Al-shabaab oo sheegtay in Dileen Ciidamo badan oo isku jira Kenya iyo Ethopia

          1,May,2014(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirta ayaa sheegtay in dagaallo ka dhacay gobollada Galguduud iyo Gedo ay ku dileen ciidammo Itoobiyaan iyo Kenyaan ah. Afhayeenka howlgalada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo wareysiyo siiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ay ku dileen ciidammo Itoobiyaan ah, kaddib…

          Read More

            Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa Hambalyo ku aadan 1, May u diray Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

            1, May, 2014(SDN/QJ)-….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha u diraya dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay maanta in ay farxad u tahay dhamaan shaqaalaha aduunka kadib markii loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha…

            Read More

              Mudaharaad ka dhacay Tog-wajaale iyo khasaaraha ka dhashay

              Togwajaale May 01,2014(SDN/QJ)- Wararka haatana naga soo gaadhaya Magaalada Tog-wajaale ee Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethopia,ayaa shaagaya in Magaaladda uu ka dhacay Muharaad Rabshado wata oo sahayda hal qof oo  ka mid ahaa Macalimiinta Magaaladda,oo sida wararka hordhaca ah ee aanu helaynaa sheegayaan ay ku dhacday Xab habaw ah oo ay Ciidamadda Amaanku u…

              Read More

                Hambalyo Aroos wacan

                 Xamse Mataan iyo Marwo Yaasmiin Siciid Dhamaan dadkan oo kala ah Aabe Cali Aadan Muuse, Hooyo Cibaado Cumar Axmed, Cabdi Cali Aadan, Jamaal Cali Aadan, Dhagalaab Cali Aadan, Asad Cali Aadan, Mawliid Cali Aadan, Sahra Cali Aadan, Rooda Cali Aadan, Iido Cali Aadan iyo Saado Cali Aadan Dhamaan reer Cali Aadan Guure Waxay Hambalyo kal…

                Read More

                  Puntland oo meesha ka saartay Wadada hadal ay Yeesheen Wasiiro ka socda Somaliland

                  Garoowe May 01,2014(SDN/QJ)-madaxda sare ee Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland,ayaa markii ugu Horaysay ka hadlay Kulan ay Wasiiro Somaliland ka socdaa sheegeen inay kula qaateen Magaaladda Adis ababa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntalnd Dr:Gaas.Wasiirka u Qaabilsan Waxbarshadda Maamulka Puntland,oo la sheegayo inuu ka mdi ahaa Saraakiishii Madaxweynaha Safarka ku Wehelinaysay ayaa gabi ahaanba meesha…

                  Read More

                    Faysal cali waraabe oo Xisbiga Kulmiye ku Canbaareeyay qaabka beelaysan ee uu Ergooyinka u qaybiyay,sheegayna in Xoriyadii Saxaafaddu dhaawacday Sumcadii Somaliland

                    Hargeysa May 01,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku naqdiyay in qabaa’il ergooyinkoodii iyo golahii dhexeba ay ku qaybsadeen. Waxa uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay arintaas mid aan dalka u wanaagsanayn. Sida oo kale waxa uu guddoomiye Faysal markii ugu horaysay ka hadlay xayiraadda wargeyska…

                    Read More

                      Dagaal xoogan oo laga soo sheegayo Magaaladda Ceel-buur iyo khasaaraha ilaa hadda ka dhashay

                      30,Apr.2014(SDN/QJ)- Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in ilaa saaka uu dagaal culus ka socdo magaalada Ceelbuur. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidanka Ethiopia ee ku sugan halkaasi iyo xoogaga Ururka al-Shabaab. Dagaalkan ayaa la sheegayaa in laysu addeegsanayo Qaybaha kala duwan ee Hubka.ma caddda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.laakiin…

                      Read More

                        Doorashooyin Dhinaca Baarlamaanka ah oo looga dareeray Dalka Ciraaq

                        30,Apr.2014(SDN/QJ)-Dadka reer Ciraaq ayaa u dareeray doorashadii ugu horreysay ee dalkaas laga qabto tan iyo markii ay ciidammada Maraykanka halkaas ka baxeen. Doorashadan ayaa ah mid si dhaw loola socdo,gaar ahaana Beesha caalamk.waxaanay u tahay Dawladda uu Hogaamiyo Nuural-Al Maaliki,tijaabo adag oo ku aadan suura galnimada in uu dalku gaadho heer Qofka Cod Kurisiga lagu…

                        Read More

                          SHIRWEYNAHII XISBIGA KULMIYE EE WADANKA KA DHACAY WAXA UU AHAA MID WADANKA KU SOO CELIYAY MARXALADDII LA MARAYEY WAKHTIGII AYNU LA SOO NOQONAY XORRIYADDA EE 1991!

                          Shirwaynahi xisbiga kulmiye ee wadanka  ka dhacay waxa u ahaa mid wadanka ku so caliyay marxaladi la marayay wakhtigii aynu la soo noqonay gooni isu taaga ee 1991. Marxlad beleysan islamarkana reeraysan marka laga hadlayo xisbi sharci ah oo wadan waxa markiba maskaxdada ku so dhacaysa in eryaga xisbi yahay mid qabyalada iyo reernimada lagaga…

                          Read More

                            12 Xubnood oo la Sheegay inay Ka Tirsan Yihiin Alshabaab oo Boosaaso lagu soo bandhigay

                            Boosaaso 29,Apr.2014(SDN/QJ)- Ciidanka Ammaanka magalada Bosaso ayaa xalay gacanta ku dhigay labo iyo toban qof oo looga shakinsan yahay inay ka danbeeyeen qarax fashilmay oo xalay ka dhacay magalada Bosaso. Dadkan qabashadooda ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii ciidanku ay isla markiiba magalada ka bilaabeen baaritaan adag waxana la adkeeyay baraha kaantaroolada ee magalada…

                            Read More

                              Addis ababa oo uu ka furmay Shir lagaga hadlayo Amaanka Xeebaha Afrika

                              29,Apr.2014(SDN/QJ)-Wararka ka inaya Magaaladda Adisabab ee dalka Ethopia,ayaa sheegaya in Wasiirada Kaluumaysiga ee wadammada Afrika ay kulan ku leehiyihiin  magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo looga hadlayo horumarka laga sameeyay joojinta kaluumaysiga sharci darrada ah ee lagu hayo badaha qaarada Afrika.waxa kale oo la sheegayaa in lagaga wada hadli doono sidii si wada-jir…

                              Read More

                                Wafi balaadhan oo uu hogaaminyao Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland oo ay Wehelinyaan Gudiga Dhismaha Wadad-cad oo Maanta Kormeer ku Tagay Dhismaha 20Km ee Wadad cad

                                28,Apr.2014(SDN/QJ)-Wafi balaadhan oo uu hogaaminyao Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland oo  ay Xubno ka ahaayeen Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees,Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyada Somaliland Prof:Xasan Cali iyo Gudiga Dhismaha Wadada cad ee isku Xidha Magaalooyinka Sallaxley iyo Hargaysa,ayaa maanta Kormeer indho-indhayn ah ku Wadada cad oo haatan si  xawli ah ay u socoto hawsheedu….

                                Read More

                                  Wasiirka Amniga Somalia oo maanta hortay Golaha Shacabka,waxna laga weydiiyay Weerarkii lagu Qaaday Villa Somalia

                                  27,Apr.2014(SDN/QJ Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Soomaaliya, ayaa maanta waxa uu hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya. Wasiirka oo maanta su’aalo badan la weydiiyay, ayaa su’aal ka mid ahayd su’aalihii ahayd waxa ay ahayd, in uu faah faahin ka bixiyo cidii geysatay weerarkii Madaxtoyada Somaliya iyo sida ay ugu suurta gashay….

                                  Read More