admin

Somaliland iyo Taiwan Oo Ka Jawaabay Dhaliilay uga timi Shiinaha

Hargeysa (QJ) – Xafiiska wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga jawaabay hadallo iyo eedaymo ka soo yeedhay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo cambaareeyey heshiiskii iskaashiga badda ee ay dhawaan wada saxeexdeen Taiwan iyo Somaliland. Sida war-murtiyeedka lagu sheegay heshiiska cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo…

Read More

Madaxweynaha Taiwan oo soo dhaweeyay heshiis dhemaray Somaliland iyo Taiwan

Taipei (qurbejoog) -Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ayaa bogaadiyay heshiiska cusub ee ay magaalada Taipei ku kala saxeexdeen dawladdaha Somaliland iyo Taiwan, isagoo sheegay in heshiiskani uu kor u qaadayo xidhiidhka badda ee labada dal. Madaxweynaha Taiwan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay warbaahinta qaranka dalkaasi oo uu ku qaabilay weftiga wasiirka…

Read More

Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Hogaamiyaha Jubbaland inuu daandaansi ka wado Gobolka Gedo

Muqdisho (qurbejoog) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka ayaa si kulul loogu cambaareeyay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay…

Read More

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Kooxda Daacish

Garoowe – (qurbejoog) – War rasmi ah oo maanta soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Puntland oo taageero ka helaya kuwa Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka argagixisada, ay gacanta ku dhigeen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac) oo ahaa madaxii maaliyadda ee ururka Daacish ee Soomaaliya, isla markaana ah u qaabilsanaha kooxda Daacish….

Read More

Dowladda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eedeymo uga yimi Dowladda Federaalka Soomaaliya

Garoowe (QJ) – Maamulka Puntland ayaa xalay warsaxaafadeed uu soo saaray si kulul u beeniyay eedeymo uga yimid dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo Puntland ku eedeysay in ay tahay xarun burcadbadeed ah oo ku lug leh afduubka markab ganacsi. War saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadooda ilaalada xeebaha ay gacanta ku…

Read More

Xildhibaan Ka Tirsan Mucaaradka Turkiga Oo ka hor yimi Qorshaha Ciidamo la geeyo Badda Soomaaliya

ANKARA (QJ) – Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Turkiga ayaa walaac xoogan ka muujiyay soo jeedintii dhawaan uu soo jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ku aadan in ciidamada badda ee Turkiga la geeyo Soomaaliya kadib heshiis shidaal baaris ah oo dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya. Yanki Bağcıoğlu oo ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee CHP,…

Read More

Wefdi sare oo ka Socda Somaliland oo booqanaya Taiwan

Taipei (QJ) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tegay dalka Taiwan. Wasiirka waxa socdaalkan ku weheliya Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Ambassador Maxamed…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaalada Balad Xaawo

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dagaal gacan ka hadal ah oo maanta ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland. War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka, ayaa waxaa si toos…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Oo Shir Deg Deg Ah La Yeeshay Golaha Wasiirada Oo Ka Hadlay Xaalada Adag Ee Abaareed

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shir-gudoomiyey shir degdeg ah oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada, isla markaana uu ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cadbi, ayaa lagaga hadlay xaaladda abaareed ee ka sii daraysa ee saamaysay qaybo badan oo dalka ah. Dhibaatadu waxay dhibaato xoog leh u gaysatay…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Golaha Dhaqaalaha Carabta Iyo Afrika

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey wefti heer sare ah oo ka socda Golaha Sare ee Iskaashiga Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika. Weftigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Dr. Hani Xasan Abu Zayid, ayaa ka kooban sagaal xubnood, waxaanay socdaal rasmi ah ku yimaaddeen Somaliland. Golaha…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale la kulmaya Mucaaridka

Muqdisho (SD) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulankoodii saddexaad ku yeelanaya magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa xalinta khilaafaadka ka dhashay qaabka doorashada 2026 iyo wax ka bedelka dastuurka. Qodobada kasoo baxay kulankaan ayaa ah mid si weyn…

Read More

La-taliyaha Madaxweynaha Puntland oo Madaxweynaha Somaliland kala hadlay Heshiiska Nabadda ee Ceerigaabo

Hargeysa (QJ) -La-taliye sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ku sugnaa Hargeysa, halkaas oo uu kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Wararku waxay sheegayaan in wada-hadalladan diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiis nabadeed oo ku saabsan colaaddii dhawaan ka dhacday Ceerigaabo, Sanaag….

Read More

Dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lagu qabtay Markab Hub siday iyo Qalab Ciidan

Bosaaso (QJ) -Markab lagu magacaabo Sea World oo sida la sheegay hub iyo saanad ciidan, ayaa lagu xiray Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay markabkaasi lagu soo qabtay xeebta degmada Bareeda, halkaasi oo uu muddo labo maalmood ah ku xanibnaa xaalado kala duwan. Ammaanka hareeraha…

Read More

Somaliland Oo sheegtay in Safarkii Madaxweynaha ee Dalka Qatar Oo Guul Ku Soo dhamaday, Somaliyana Kuna Eedaysay farogelin Siyaasadeed.

Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa guul dublamaasiyadeed ku tilmaantay booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tegay dalka Qatar, kaas oo la filayo inuu xidhiidh cusub oo iskaashi yeelan doono. Isla markaana waxay ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS) inay si joogto ah u wiiqayso qarannimada Somaliland. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xuska 65-aad ee maalinta Xornimada.

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galaya xuska sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur. Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagay 12 tiir oo calan ah, taasi oo…

Read More

Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo billaabanaya 1-da Luulyo.

Muqdisho (QJ) – Hawlgalka Ku-meel-gaarka iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah howlahooda u billaabi doona 1-da Luulyo 2025, iyagoo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee howlgalka ATMIS-ka. AUSSOM waxaa la aas aasay 1dii Janaayo 2025 iyadoo ogolaansho laga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hawlgalka ayaa loo oggolaaday in…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo booqanaya Qatar

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar, ka dib markii uu casuumaad ka helay dowladda Qatar. Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhowr maalmood. Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne ka tirsan maamulka iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Madasha Wada-tashiga Qaran ee Mustaqbalka Siyaasadeed

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka. Ajandayaasha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah xoojinta midnimada qaranka, dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashada, la dagaallanka argagixisada, dhisidda dowladnimo xooggan. Madashu waxa ay la kulantay dhaleecayn uga imanaysa madaxda mucaaradka oo…

Read More