Tababar ku Wajahan Sidii aanay Dugsiyada Waxbarashadu u Xidhmin Xiliyada Jiilaalka oo Degmada Faraweyne lagu soo gabo gabeeyay.
Faraweyne 10.Feb (SDN) Aqoon isweydaarsi lagaga hadlayay sidii loo samayn lahaa qorshe ku wajahan sidii dugsiyada Waxbarashadu aanay u xidhmi lahayn Xilliyada abaaraha ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Faraweyne . Aqoon isweydaarsigan oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen Ururka Wadaniga ah ee Havayooko iyo Maamulka Degmada Faraweyne waxaa ka qayb…
